4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 26, 2016
SAWIRRO: 22 Xisbi Siyaasadeed oo ka Gudbiyay Dacwad RW Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke


Talaado, Janaayo 26, 2016 (HOL) —Maxkamadda Sare ee Somalia ayaa Waxaa Shalay oo Isniin ahayd dacwad u gudbiyay 22-ka xisbi siyaasadeed ee dalka ka jira, dacwadaas oo ka dhan ka ah; Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyo Wasiirkiisa Arimaha Gudaha, C/raxman Maxamed Xuseen Odawaa.

Dacwada ayaa waxaa xisbiyadan ka gudoomay guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, Avv. Caydiid Cabdullaahi Ilka-xanaf, iyadoo Dacwadda ay gudbiyeen Hoggaamiyeyaasha siddeed xisbi oo ka ahaa 22-ka xisbi siyaasadeed ee saxiixay dacwadda, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay xisbiyaan soo saareen.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulan, C/qaadir Maxamed Cusmaan [Barnaamij] ayaa dacwaddan ka hor-akhriyay gudoomiyaha Maxakmada sare ee dalka; waxaana lagu sheegay dacwadda in labadan mas’uul ay hortaagan yihiin xaqa uu dastuurku siinayo axsaabta syaasadeed ee dalka.

Haddaba, Akhriso dacwadda RW Somalia iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia;


Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya