4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 25, 2016
Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Gobolka Banaadir oo Maanta si Rasmi ah loo Magacaabay


Isniin, Janaayo 25, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somaila Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Xeer uu soo saaray maanta ku Magacaabay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee maamulka gobolka Banaadir.

Ismaaciil Macallin Cabdi Guure oo loo magacaabay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Maamulka Gobolka Banaadir, ahna Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka.

Xeerkaan cusub ayuu ku xusay Madaxweyne Xasan inuu soo saaray markii uu Garowsaday baahida loo qabo in la magacaabo mas’uul xilkan qabta.

Ugu dambeyn, mas’uulkan la magacaabay Ismaaciil Macallin Cabdi Guure ayaa horay uga mid ahaa ku xigeennada maamulka gobolka Banaadir.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya