4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 25, 2016
Madaxweyne Somalia oo Muqdisho ka Furay Shir Qayb ka ah Wada-tashiga Doorashada (SAWIRO)


Isniin, Janaayo 25, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada Somalia ka furay Shir gaar ah oo Qayb ka ah Madasha Wada-tashiga Qaranka ee Doorashooyinka, kaasoo lagu go’aamin dooono nooca Doorasho ee dalka ku habboon sannadkan 2016-ka.

Shirkan oo ay Albaabadu u xirnaayeen ayaa waxaa kasoo Qayb-galay RW Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka, Mahad C/lla Cawad, RW ku xigeenka, Maxamed Cumar Carte, Mas’uuliyiinta maamu-goboleedyada dalka, sida Puntland, C/weli Maxamed Gaas, Koonfuur-galbeed, Shariif Xasan Sh. Aadan, Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] iyo Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa xubno Beesha Caalamka ka socda oo uu hoggaaminayo wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia, Michael Keating iyo xubno kale.

Shirkan oo socon doona muddo laba casho ah ayaa la filayaa in laga soo saaro go’aanka ku saabsan nooca doorasho ee dalku yeelan doono iyo Arrimo kale oo la xiriira Hiigsiga 2016-ka.

Dhanka kale, Shirka Muqdisho ka furmay ayaa imaanayaa kaddib markii beesha caalamka ay cadaasi ku saartay in sida uga dhaqsiyaha badan ay kusoo Gudbiyaan Go’aan Mideysan oo doorashada lagu wado inay dalka ka dhacdo ku aaddan.

Beesha Caalamka ayaa Warbixin ay dhawaan soo saareen ku sheegay in Go’aan Mideysan looga doonayo madaxda Soomaalida ka hor inta uusan dhicin kulanka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey oo lagu wado inuu dhaco 28-ka bishan Jannaayo iyo shirka Midowga Afrika iyo kan Urur-goboleedka IGAD.

Ugu dambeyn, Warbixinta Beesha Caalamka ayaa lagu xusay inaysan jirin doonin muddo kordhin loo sameeyo hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, lamina saadaalin karin go’aanka kasoo bixidoona kulanka hoggaamiyeyaasha Soomaalida u furmay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya