4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 25, 2016
SAWIRRO: 108 ka tirsan Dhallinyarada Qaranka Dalka Kenya ee NYS oo Qarax ku Dhaawacmay


Isniin, Janaayo 25, 2016 (HOL) — In ka badan 100 qof oo ka tirsan Adeegga dhallinyarada Qaranka Kenya NYS (National Youth Service) ayaa ku dhaawacmay Qarax aanan si Rasmi ah loo ogeyn wuxuu ka dhashay oo shalay ka dhacay xero ay ku leeyihiin deegaanka Gilgil oo ka tirsan degmada Nakuru ee gobolka Rift Valley.

Sidoo kale, 10 ka mid ah dhallinyaradaan dhibowga ku jiray, ayaa la dhaawacyadooda lagu Tilmaamay inuu yahay mid halis ah; sida uu sheegay Xildhibaanka laga soo Doorto Gilgil, Mathenge Nderitu oo booqday dhallinyarada dhaawacantay.

Xildhibaan Mathenge ayaa dhankiisa Xusay in Qaraxaas uu ahaa mid ka dhashay Koronto, wuxuuna intaas ku daray in xubnaha kale ee ku sugnaa xeradaas ay soo gaareen dhaawacyo aanan aad u khatar badneyn.

Dhanka kale, Isaac Ndirangu oo ah taliyaha machadka tababarka ee uu Qaraxu ka dhacay, ayaa u sheegay Warbaahinta in Dhallinyaradii ku jirtay Xeradaas aynan qaadanin Amarkii madaxdooda, isagoona intaas ku daray in qaar kamid ah dhalinyaradaas ay markii hore isku qariyeen fasaladooda kaddibna ay u soo carareen banaanka, taasoo keentay inay isbuurteen dhalinyaradaas oo wada cararaayay.

Ugu dambeyn, Guddiga dhanka Amniga u Qabilsan Degmada Nakuru, ayaa booqday Mac-hadkaas si ay u ogaadaan Xaqiiqada arrinta halkaas ka dhacday, xilli War-fidiyeenkana loo diiday iney gudaha u galaan xarunta falkaas uu ka dhacay ee tababarka. 

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya