4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 25, 2016
Shacabka Masar oo Xusaya Kacdoonkii Sanadkii 2011 iyo Amniga oo aad loo Adkeeyay (SAWIRO)


Isniin, Janaayo 25, 2016 (HOL) — Ammaanka guud ee Magaalada Qaahira oo ah Xarunta dalka Masar ayaa aad loo adkeeyay maanta, iyadoo la xusayo Sannad-guuradii Shanaad ee kacdoonkii xukunka looga tuuray madaxweynihii hore Xusni Mubaarak.

Ciidammo badan oo booliis ah ayaa la dhigay Hareeraha Fagaaraha Taxriir oo uu ka socdo dibadbax ballaaran oo lagu xusayo kadoonkii sanadkii 2011-kii wadanka Masar ka dhacay, kaasoo lagu dliay tiro dad ah, kuna khasbay Xusni Mubaarak inuu xilka ka dago.

Sidoo kale, Guryo badan ayay ciidamada millateriga dalkaas u daateen, si ay uga baaraan dad laga yaabo inay wadaan abaabulka kacdoon looga soo hor-jeedo Madaxweyne Abdul Fattah al-Sisi.

Hay’adaha Xuquuqda Aadanaha Maxalliga ah iyo Caalamiga ah ayaa Waxay Sheegeen in xaaladda Masar aysan ahayn mid laga baqdin-qabo inay kasii xumaato sida ay hadda tahay.

Jen. al-Sisi ayaa ahaa sarkaalkii hoggaaminayay ciidankii taageeray kacdoonnadii Xukunka looga tuuray madaxweynihii hore ee Masar, Xuni Mubaarak iyo Maxamed Mursi oo Xilka loo doortay sannadkii 2013-kii.

Tan iyo sannadkii 2013-ii ayaa waxaa la dilay in ka badan 1,000 qof, waxaana la rumeysan yahay in 40,000-qof oo kalena loo Xir-xiray Hawl-gallo looga Hor-jeeday Kacdoonno lagu taageerayay Maxamed Mursi oo dalka Masar oo dhan ka dhacay.

Abdul Fattah Al-Sisi ayaa waxaa xilka madaxnimo ee dalka Masar loo doortay Sannadkii 2014-kii, isagoo sheegay inuu jawaabo ka bixin doono kacdoonno dambe oo Rabshado ku saleysan oo ka dhaca guud ahaan dalka Masar.

“Ma Aqbali doonno Mudaaharaadyo Rabshado ku dhisan oo lagu Waxyeelleynayo Amniga iyo Xasilloonida Qaranka,” ayuu ku yiri Jen. Al-Sisi hadal uu ka jeediyay toddobaad ka hor xuska maalinta booliiska dalkiisa.

Booliiska dalka Masar ayaa la sheegay inay u dhaceen 5,000 oo guri oo ku yaalla Qaahira, kuwaasoo ay kaga hor-tagayeen Abaabulka kacdoonno rabshado wata oo dalkaas ka dhaca Isniinta Maanta ah.

Dhanka kale, booliiska Masar ayaa xabsiga dhigay qaar ka mid ah dadka u dhaqdhaqaaqa Xuquuqul Aadanaha, halka kuwo kalena ay dhuunteen, kuwaasoo lagu eedeeyay inay ka mid ahaayeen taageersanaayeen xukuumaddii hore ee Mubaarak.

Ssaraakiil ka tirsan Wasaarada arrimaha Gudaha Masar oo la hadlayay AFP ayaa sheegay in hawl-galka booliiska aysan ahayn kuwo looga horjeedo dhallinyarada xusaya kacdoonkii 2011-kii, balse ay yihiin kuwo looga soo horjeedo in kooxo ku dhex-dhuumanaya dadka dibadbaxa sameynaya ay rabshado sameeyaan.

Ugu dambeyn, Akhwaanul Muslimiinka dalka Masar ayaa ku baaqay Isniinta maanta ah in ay dhigaan dibadbax. Iyadoo ururkan laga mamnuucay waddanka Masar, kaddib markii ay xukuumaddu ku eedeysay inay yihiin argagaxiso.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya