4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 24, 2016
Madaxweynaha Burundi oo kasoo Hor-jeestay in la geeyo dalkiisa ciidammo ka socda AU (Sawiro)


Axad, Janaayo 24, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Burundi, Pierre Nkuruziza ayaa ka soo hor-jeestay in Dalkiisa la geeyo Ciidammo Nabad-ilaalinta ah oo ka socda ururka Midowga Afrika, kaddib kulan uu Bujumbura kula qaatay Wufuud ka socotay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo booqday Bujumbura.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa si weyn niyad-jab uga muujiyay kulankii ay Nkurunziza maalin ka hor la yeesheen, kaddib markii uu diiday inuu saxiixo heshiis ciidammo ka socda Midowga Afrika lagu geynayo dalkiisa, si loo xasillooni loogu soo dabaalo waddadnkaas.

“Ururka Midowga Afrika ayay u tallaa sidii ay uga Shaqeyn lahaayeen Tallaabada xigta ee ay qaadayaan, maadaama ciidamadooda la diiday,” ayay tiri danjiraha Mareykanka ee QM, Samantha Power oo wariyeyaasha kula hadlaysay Xarunta Dalka Itoobiya ee Addis Ababa, kaddib Kulan socday muddo laba saacadood ah oo ay la qaateen Guddiga Nabadgalyada & Ammaanka ee Ururka Midowga Afrika.

Hoggaamiyeyaasha Qaaradda Afrika ayaa waxay toddobaadka soo socda yeelan doonaan shir-madaxeedkoodii sannadlaha ahaa, iyadoo dublamaasiyiintu ay ku warramayaan in la eegi doono waxa kasoo baxa shirkaas, gaar ahaan arrinta ku aaddan dalka xasaradaha ka aloosan dalka Burundi.

“Madaxda waddamada Afrika ayaa laga rabaa inay ka doodaan sidii ay jawaab uga bixin lahaayeen go’aanka ay xukuumadda Burundi ku diidday in ciidammo nabad-ilaalin ah la geeyo dalkeeda,” ayuu yiri ergayga Britain ee QM Matthew Rycroft, isagoo intaa ku daray. “Runtiina tallaabada ugu habboon ee ay ku dhaqaaqi karaan waxaan u arkaa inay tahay in wadahadallo la isugu keeno dhinacyada isku haya dalkaas.”

Bishii hore ayuu Midowga Afrika wuxuu ku dhawaaqay inuu dalka Burundi u dirayo 5,000 oo Askari oo Nabad-ilaaliyeyaal ah, si ay u Difaacaan shacabka inta badan Dhibaatooyinka loogu geysanayo dalkaas, balse waxaa qorshahaas ka horyimid Madaxweyne Nkurunziza.

Tan iyo markii ay rabshaduhu ka billowdeen dalka Burundi, waxaa la dilay in ka badan 439-qof oo shacab u badanaa; iyadoo dalkaas ay isaga carareen 220,000 oo qof, kuwaasoo si magan-galyo ahaan ah ugu nool dalalka dariska ah Burundi.

Sidoo kale, Midowga Afrika ayaa sheegay inuu Waddanka Burundi u dirayo 100-qof oo kormeerayaal xuquuqda aadanaha ah, laakiinse illaa hadda waxaa gaaray 10 ka mid ah xubnahaas, kuwasoo weli ku jira hoteelkii la dajiyay, isla markaana aan weli billaabi howshooda, sababo la xiriira Xukuumadda Bujumbura oo aan si rasmi ah u ogolaan shaqadooda.

Warbixinnada laga helayo dalka Burundi ayaa sheegaya inay sare u sii kacayaan xad-gudubyada lagu kacayo shacabka, iyadoo shaki laga qabo inay xoogeystaan haddii aan si dhaqso ah wax looga qaban.   

Dhanka kale, Bishii July ee sannadkii hore ayaa waxaa dhinacyada ku muransan dalka Burundi wadahadallo uu dhexdhexaadiye ka ahaa madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni u qabtay EAC, laakiin wax Horumar ah lagama sameyn dhowr kulan oo dhinacyada la isugu keenay si ay heshiis u gaaraan.

“Runtii dhexdhexaadinta waa tan ugu muhiimsan waxa ay Beesha Caalamku ka qaban karto soo af-jaridda xiisadaha ka taagan Burundi,” ayuu yiri ku xigeenka Wakiilka Faransiiska ee Qaramada Midoobay, Alexis Lamek oo intaas ku daray. “Waayo dhexdhexaadin la’aan ma jirto wax harumar ah oo la gaari karo, waxa aan la diidi karin waa wadahadallo loo dhan yahay.”

Ugu dambeyn, danjiraha Masar ee Qaramada Midoobay, Amr Aboulatta ayaa ku taliyay in howsha ciidamada lagu geynayo Burundi si tartiib-tariib ah loo bilaabo lana geeyo dalkaas ciidammo booliis ah, kaddibna ciidammo awood leh oo nabad ilaalineed lagu xijiyo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya