4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 24, 2016
Xukuumadda Somalia oo furtay Qorshe Cusub oo lagu Horumarinayo Noolaha Dalka Soomaaliya


Axad, Janaayo 24, 2016 (HOL) — Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Somalia Maxamed Cumar Carte ayaa furay qorshe horumarineed oo lagu hirgelinayo siyaasad kala-duwanaanshaha noolaha Soomaaliya.

RW ku xigeenka ayaa sheegay in sameynta Qorshahan iyo Siyaasada kala duwanaanshaha Noolaha lagala Tashaday dhammaan wasaaradaha ay khuseyso ee maamullada dalka; sida Somaliland Puntland iyo kuwa kale.

“Siyaasaddan waxay ka kooban tahay qodobbo muhiim ah oo ku dhisan aragti ku aaddan illaa sannadka 2050, oo saameyn ku leh nolosha dadka Soomaaliyeed maadaama 70% ay ka faa’iideystaan waxyaabaha ay siyaasaddani xoogga saari doonto,” ayuu yir Carte.

RW xigeenka aya aintaas ku daray. “Waxaana ugu muhiimsan nolosha xoolaha, beeraha, kaluumaysiga IWM, sida lagu sheegay qorshahan 500 oo nooc oo dhir ah ayaa laga helaa Somalia, sidoo kale 1200 oo xayawaan ah ayaa laga helaa Somalia, kuwaasoo ay hodan ku tahay, dhawr boqol oo nooc oo Kalluun ah ayaa xeebaheenna laga helaa, waxaa kaloo muhiim ah in la ilaaliyo xayawaanka sii dabar-go’aya sida gumburiga, goodir-ka iyo noocyo ka mida Sagaarada.”

Mar uu Carte ka hadlayay hirgelinta qorshahan wuxuu sheegay in la horgeyn doono PSG4 si looga dhaqan galiyo Hiigsiga Cusub (New Deal) looguna daro qorshaha Horumarineed ee Qaranka, sidoo kale RW ku-Xigeenku Wuxuu sheegay in Qorshahan lagu Hir-gelinayo Siyaasadda Noolaha kala duwan ay Xukuumadda Federaalka ka go’an tahay in la hirgaliyo madaxweynahana loo gudbin doono.

Dhanka kale, marka uu saxiixo madaxweynaha DFS ayay xukuumaddu ka hawlgeli doonto sidii maashaariic lagu dhaqan-galinayo uga samayn lahaayeen hay’ada caalamka u qaabil-san arrimaha bay’ada (GEF).

Ugu dambeyn, RW ku-Xigeenku Maxamed Cumar Carte ayaa tacsi u diray dhamaan dadka ummadda Soomaaliyeed oo uu ka Tacsiyeeyay dadkii ku Geeriyooday falkii Arxan-darrada ahaa ee lagu qaaday Maqaaxida Liido SEA Food ee Xeebta liido.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya