4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 24, 2016
SAWIRRO: Arday Dhameystay Islamic Banking oo Muqdisho Shahaadooyin lagu Guddoonsiiyay


Axad, Janaayo 24, 2016 (HOL) — Muqdisho ayaa waxaa shalay lagu qabtay xaflad weyn oo shahaadooyin lagu Guddoonsiinayay Arday ka Qalin-jabisay machadka Istana Institute ee Muqdisho.

Machadka Istanaa Institute oo uu Maal-geliyo Bangiga Salam Somali Bank ayaa Waxaa la aasaasay billowgii sannadkii 2014-kii, iyadoo lagu bilaabay machadka bixiya tababarro iyo siminaaro lagu kobcinayo xirfadaha dhallinyarada kasoo baxaysa Jaamacadaha & dugsiyada sare ee Soomaaliya.

Sannadkii lasoo dhaafay 2015-kii; ayaa Waxaa Machadka lagu soo Kordhiyay Koorsooyin Gaa-gaaban oo kor loogu qaadayo xirfadaha shaqo ee Dhallinyarada, gaar ahaan Xirfadaha xisaabaadyada, maamulka, iibka & suuq-geynta, bangiyada, caymiska, qalabeynta iyo xog-haynta.

Koorsooyinkaas intooda badan waxay Ardayda qaataan muddo 6 illaa 12 bilood ah; iyagoo loo dhigayo maalmaha Khamiista iyo Jimcaha iyo geellinka dambe.

Arday shalay Xafladda Qalin-jabinta ah loo Qabtay ayaa waxa ay barteen Islamic Banking iyo Finance, kuwaasoo tiradoodu ahayd 65 oo dhameystay Professional Diploma In Islamic Banking and Finance.

Sidoo kale, Ardaydaan Munaasabadda loo Qabtay ayaa waxay wax ku barteen lacag la'aan ah, maadaama machadka Istanaa uu maal-geliyo Bankiga Salam Somali Bank iyagoo taba-barka ku qaatay Bankiga Salaam iyo Shirkadda First Somali Takaful and Retakul oo ay ku taallo xarunteeda Muqdisho.

Ugu dambeyn, Waa Ardaydii ugu Horreysay oo dhameysata koorso noocan ah, kuwaasoo u Diyaarsan inay u shaqeeyaan Bangiyada iyo Shirkadaha Caymiska ah ee Somalia kusoo badanaya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya