4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 23, 2016
SAWIRRO: Jawaari iyo Madaxweyne ku xigeenka Ciraaq oo Maanta ku kulmay Magaalada Baqdaad


Sabti, Janaayo 23, 2016 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Muxammad Sh. Cusmaan [Jawaari] oo booqasho ku jooga magaalada Baqdaad ee xarunta dalka Ciraaq ayaa kulan la qaatay madaxweyne ku-xigeenka Dalka Ciraaq, Iyad Allawi.

Kulankan oo ka dhacay xarunta safaaradda Somalia ee dalka Ciraaq ayaa waxaa goob-joog ka ahaa; Xoghayaha guud ee Baarlamanka Somalia, C/kariin X. Cabdi (Buux), safiiradda Somalia ee Ciraaq, danjire Khadija Maxamed Almakhzoumi iyo Qunsulka Soomaaliya ee dalka Ciraaq, Maxamed Cabdi Cali; Waxaana kulanka looga hadlay xiriirka iyo iskaashiga labada waddan ee Soomaaliya iyo Ciraaq.

Safiiradda Somalia ee Ciraaq, Khadija Almakhzoumi oo markii uu soo dhamaaday kulanka la hadashay saxaafada ayaa sheegtay in looga hadlay Xiriirka iyo weliba is-kaashiga labada waddan ee dhinacyada Amniga iyo siyaasadda, isla markaana waxyaabihii laga wadahadlay la isku af-gartay.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Jawaari oo Wafdi uu Hoggaaminayo ay magaalada Baqdaad kaga qeyb-galayaan Shirweynaha Baarlamaannada Waddamada Is-kaashiga Islaamka [PUIC] ayaa shirar kala duwan la leh guddoomiyeyaasha baarlamaanada waddamada Islaamka ee kulanka kasoo qayb-galay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya