4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 22, 2016
SAWIRRO: Gudoomiyaha Baarlamanka Somalia oo Gaaray Magaalada Baqdaad ee Dalka Ciraaq


Jimco, Janaayo 22, 2016 (HOL) — Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cusmaan [Jawaari] iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baghdad ee caasimadda dalka Ciraaq; halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga Prof. Jawaari ayaa waxaa kusoo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Baqdaad Guddoomiyaha Baarlamaanka Ciraaq, Salim Abdallah al-Jabouri, Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Ciraaq iyo safiirka Soomaaliya ee u fadhiya dalka Ciraaq, Khadija Maxamed Almakhzoumi.

Magaalada Baghdad ayaa waxaa horay ugu sugnaa xildhibaanno baarlamaanka Soomaaliya ugu jira Baarlamaanka Waddamada Iskaashiga Islaamka ee PUIC iyo Xog-hayaha guud ee baarlamaanka Somalia, C/kariin Xaaji Cabdi (Buux), iyadoo uu socdo shirarkii guddiyada kuwaasoo lagu diyaarin doono ajandayaasha shirka guddoomiyeyaasha baarlamaannada ee dalalka Iskaashiga Islaamka.

Ugu dambeyn, guddoomiye Jawaari ayaa hadal ka jeedin doona shirka Guddoomiyeyaasha baarlamaannada Waddamada Iskaashiga Islaamka ee PUIC oo Rasmi u bilaaban doona 24-ka bishan Jannaayo ee sannadka 2016-ka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya