4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 22, 2016
Madaxweynaha iyo RW Somalia oo ka hadlay Weerarkii Al-shabaab ay ku Qaadday Xeebta Liido


Jimco, Janaayo 22, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo RW Cumar C/rashiid ayaa si isku mid ah uga hadlay maanta weerarkii xalay ay Al-shabaab ku qaaday baarka Liido Sea Food oo xeebta Liido, weerarradaasoo ay ku naf-waayeen 25-qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro ka badan 35-qof.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed uu dhanka nabadda iyo barwaaqo u dhaqaaqay, iyagoo ka gudbaya waayadii mugdiga ee ay soo mareen.

“Allah u naxariistee shuhadadii xalay ku naf-waayey falkaasi diinta Islaamka ka baxsan ee argagixisadu ay geysteen. Dad shacab ah oo daqiiqado ka hor gutay waajibaadka salaadda ayay ahaayeen, kuwaasoo halkaasi ku nasanayey, kaddib toddobaad dheer oo ay qaranka u adeegayeen. Meelna ugama jirto diinteena Islaamka ee saliimka ah in shacab la xasuuqo. Waxaan Alle uga baryayaa kuwa dhigay inuu Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, kuwii ku dhaawamayna ay soo gaareennna uu caafiyo,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan ayaa bogaadiyey sidii degd-egga ahayd ee ay ciidammada qalabka sida ay uga jawaabeen weerarkaasi fuleynimada ah ee Al-shabaab, isagoo sheegay in Argagixisada uu waqtigooda sii dhamaanayo, jabka ay kala kulmeen ciidanka dowladda awgeedna ay u beegsanayaan rayidka.

Dhanka kale, RW Sharrma'arke ayaa baaqay shacabka Soomaaliyeed inay u midoobaan la dagaallanka Argagixisada, isagoo si kulul u cambaareeyay weerarkii fiidnimadii xalay lagu qaaday baarka ku yaalla Xeebta Liido, isagoo mar kale ku celiyay in falalka argagixiso ee noocan ahi aysan hakin doonin geedi socodka nabadda iyo dib u dhiska dalka.

“Waxaa xaqiiqo ah inay Weerarrada qorshaysan ee Argagixisadu ka dambeeyaan ay yihiin kuwo arxan-darro ah oo cadow ku ah Qarannimada iyo Horumarka waddanka, waxaanse u sheegaynaa in aysan Caqabad kusii ahaan doonin ummadeenna aan ka guulaysan doono,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Somalia.

Isagoo sii hadlaya ayuu mar kale yiri. “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehellada dadkii qiimaha badnaa ee naftoodu ku waayey weerarkii argagixiso ee baar Liido, kuwa dhaawaca ahna waxaan alle uga baryayaa inuu caafimaad deg deg ah siiyo”.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid ayaa ciidamada dowladda ku amaaanay sida dhiiran ee ay u soo bad-baadiyeen dadkii faraha badnaa ee argagixisadu go’doomiyeen oo ay ku jireen caruurta iyo haweenka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya