4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 9 , 2016
Warbixin: Soomaaliya oo kaalinta 4aad ka gashay liiska dalalka martida loogu samafali og yahay


Jimco, Diseembar 09, 2016 (HOL)-Daraasad dhawaan la sameeyay ayaa Soomaaliya waxay gashay booska 4aad dalalka dadka martida ah gaar ahaan dadka aan la aqoon loogu samo fali og yahay.

Dalalkaa Soomaaliya ay kujirto ayaa la ogaaday in dadkoodu u roon yihiin martida aan la aqoon ee u soo martiya. Dadka Soomaalida ah ayaa la sheegay inay soo dhaweeyaan martida ooy kujiraan kuwa xataa aysan aqoon u lahayn.

Shirkada Macluumaadka ee CAF ayaa warbixn ay soo saartay sanadkaan 2016 waxay ku sheegtay in dadka wadamadaasi ay had iyo goor u ixsaan falaan dadka kale xataa kuwa aysan aqoon.

Daraasada ayaa xogteeda laga soo kala uruurshay 140 wadan. Waxaa la yaab noqotay in dalalka ugu horeeya ee afarta ah ay colaado ka jiraan.

1.      Ciraaq 81%
2.      Liibiya 79%
3.      Kuwait 78%
4.      Soomaaliya 77%
5.      Imaaraatka Carabta 75%
6.      Malawi 74%
7.      Botswana 73%
8.      Sierra Leone 73%
9.      Mareykanka 73%
10.  Sacuudi Carabiya 73%

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]