4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 9 , 2016
Madaxii Somali Airlines Marxuum Guuleed oo si Heer Qaran ah Maanta loogu AASAY Muqdisho


Jimco, December 09, 2016 (HOL) — ALLAHA u Naxariistee Jen. Maxamuud Maxamed Guuleed oo Maalin ka hor ku Geeriyooday Xarunta Dalka Kenya ee Nairobi, ayaa maanta lagu aasay Muqdisho, iyadoo Aaskiisa ay ka Qayb-galeen Mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Somalia iyo Xubno kale.

Marxuum Guuleed oo ahaa Guddoomiyihii Shirkadda Somali Airlines iyo taliyiihii hore ee Ciidamada Cirka Soomaaliya, ayaa u Geeriyooday Xannuun muddo hayay, Wuxuuna ku dhashay Tuulada Dacar-buqul oo ka tirsan Berbera, isagoo ku geeriyooday 73-jir.

Xildhibaan C/llaahi Cali Gadafeey oo ka mid ahaa Xildhibannadii Aaska Jen. Guuleed ka qayb-galay ayaa ka codsaday intii ay soo wada shaqeeyeen inay iska cafiyaan marxuumka.

Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka Cirka Somalia Jen. Maxamuud Sh. Cali [Dable-baylot] oo ay soo Wada-shaqeeyeen Marxuumka, ayaa si kooban uga hadlay wixii uu ka yaqiinnay Marxuum Guuleed.

“Markii u horreysay marxuumka waxaan isku barranay wax-barasho, markii aan Dalka ku soo Laabannayna waxaa loo Magacabay Taliyihii ugu horreeyay ee Raxanta Koowaad ee diyaaradaha dagaalka Hargeysa, Waxaana loo beddelay Hargeysa,” ayuu Dable-bayloote yiri.

Jen. Cabdullaahi Xasan Bariise iyo Jen. Cali Xirsi Barre oo ku hadlaayay Magaca Ciidanka Booliiska Soomaaliya, ayaa yiri. “Aniga iyo Jen. Bariise Waxaan Wakiil ka nahay taliyaha booliska iyo saraakiisha kale, Waxaana tacsi u dirayaan ciidanka cirka Somalia, shaqaalihii Shirkaddii Somali Airlines, Shacabka Soomaaliyeed iyo qoyskii uu ka baxay Marxuumka.”

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Somalia, Cali Axmed Jaamac Jengeli oo Hadlay ayaa ku tilmaamay marxuumka shaqsi halyey Soomaaliyeed ah oo wax badan u soo qabtay Qaranka, Taariikdana kaga jira baal dahab ah.

“Maanta Waxaan u joognaa Aaska Hal-door Soomaaliyeed oo Dhammaanteen naga wada baxay. Jen. Guuleed wuxuu soo noqday Taliyhii Ciidamada Cirka muddo dheer, wuxuuna ahaa Guddoomiyaha Shirkaddii Somali Airlines,” ayuu yiri Wasiir Jangeli.

Dhanka kale, Ku-simaha Madaxweynaha, ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ka Qayb-galay Aaska Marxuumka ayaa sheegay in qabrigu yahay meel lagu waano qaato.

Ugu dambeyn, Aaska Marxuum Guuled Waxaa ka Qayb-galay Xildhibaanno, Xog-hayaha Baarlamaanka Somalia, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Somalia,Taliyaha Ciidamada xooga dalka, Abaan-duulayaasha Ciidanka XD, Saraakiil ka kala socotay Qaybha ciidanka Qalabka sida iyo Dadweyne fara badan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya