4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 9 , 2016
DAAWO: Odayaal iyo Xildhibaano Reer Puntland ah oo ka soo Hor-jeestay Qoondada Haweenka


Jimco, December 09, 2016 (HOL) — Kaddib Markii Guddiga Doorashooyinka ee Puntland ay shalay soo saareen Jadawalka Dooashada 16-ka Kursi ee ka haray Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose ee Puntland oo ay ku jiraan Afar Xubnood oo si Gaar ah loogu Qoondeeyay Haweenka, ayaa Arrintaas waxaa kasoo hor-jeesaay beelihii la siiyay Xubnaha Haweenka ah Qaarkood.

Odayaalsha, Wax-garadka iyo Xildhbaanno ka tirsan Barlmaanka Puntland oo Maanta Shir jaraa’id ku Qabtay Magaalada Garoowe, ayaa sheegay in Qoondadoodii Haweenka ay ku dareen Xubanaha Aqalka Sare ee Puntland, isla markaana aysan ku harsaneyn Qoonadadii Haweenka loo qorsheeyay.

Sidoo kale, Odyaasha iyo Xildhibaanadan oo kasoo jeeda Beesha Cumar Maxamuud, ayaa tilmaamay in haddii sidan wax kusii socdaan ay Dib ula laabanayaan eragdii ay soo xuleen, dhaqankuna Arrintaas isku-wada raacay.

DAAWO: Odyaasha iyo Xildhibaannada Maanta Shirka jar'aaid ku qabtay Garoowe

Dhanka kale, Xassan Cilmi Jaaquf [Awoowe], oo ka mid ah Musharraxiinta u Tartamayay Kursaata Guddiga Doorashada ay shalay sheegeen inay u Tar-tamayaan Haween oo kaliya, ayaa dhiniciisa kasoo hor-jeedsaday.

Ugu dabmeyn, Hadalka kasoo baxay qaar ka mid beelihii lahaa kuraastii ay shalay Guddiga Doorashada Puntland u qoondeeyeen Haweenka ayaa kusoo beegmaysa xilli Berri la filayo in Doorashada Xubanaha Aqalka Hoose ay Dib ugu Billaabanayso Magaalada Garoowe ee Xarunta Puntland.

Abaadir C/qaadir, Hiiraan Online
E-mail:
[email protected]
Garoowe, Puntland - Soomaaliya