4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 9 , 2016
Xaaska Madaxweynaha Zimbabwe oo loo haysto faraanti qiimihiisu gaarayo 1.4 milyan oo Doollar


Jimco, December 09, 2016 (HOL) — Wargeyska Independent oo ka mid ah Wargeysyada kasoo dalka Zimbabwe, ayaa manta boggiisa koowaad ku soo Daabacay Saakay Sheeko la xiriirta Dacwad lala Tiigsaday Xaaska Madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe, kaddib markii la ogaaday inay dalbatay Faraanti Qiimihiisu gaarayo 1.4 Milyan oo Doolarka.

Faraantigaan, ayaa looga Gol-lahaa in Madaxweynuhu Xaaskiisa uu Hadiyad ahaa u siiyo sanad-guuradii 20-aad ee kasoo wareegtay guurkooda oo ahaa bisihii August ee Sannadkii 1996-kii.

Xaaska Robert Mugabe oo lagu Magacaabo, Grace Mugabe ayaa Faraantigaan waxay ka Dalbatay Ganacsade Dahabka iibiya, iyadoo loo maray Nin Ganacsade ah, Waxay kaloo Wararku sheegayaa in Dacwaddan ay qayb ka yihiin wiilasheeda oo lagu kala magacaabo Russell, Goreraza iyo Waardiyaheeda.

Dhinaca kalena, Qorshihii Faraantigaan loogu keeni lahaa Grace Mugabe ayaa dhicisoobay kadib markii qofkii kasoo qaadi lahaa magaalada Dubai uu diiday inuu qaado, Balse waxaa arrinta kasii dartay markii ruuxii laga soo iibinayay uu Diiday inuu celiyo Lacagta oo dhan, isagoo sheegay inuu qayb ka mid ah lacagta dib u celinayo.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha dalka Zimbabwe oo 92-jir ah, ayaa xukumayay dalkaas tan iyo markii uu Xorriyada Qaatay Sideetamaadkii, iyadoo dhawaan Dib loogu doortay Xilka Madaxweynaha Dalkiisa, taasoo ay cambaareeyeen madaxda caalamka qaarkood.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya