4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 9 , 2016
Madaxwaynihii Kuuriyada Koonfureed Park Geun-hye oo xilka laga qaaday
Image result for Park Geun-hye 600X

Jimco, December, 09. 2016 (HOL) - Mudanayaasha baarlamaanka dalka Koonfurta Kuuriya ayaa xilkii ka xayuubiyay madaxwayne Park Geun-hye oo jahwareer badan uu haystay.

Marka la eego tirada badan ee xildhibaanada ah ee u codeeyay in xilka laga qaado waxay cadayn u tahay in qaar ka mid ah xildhibaanada ay isku xisbiga yihiin ay ka qaybqaateen kalsooni kala noqoshadeeda.
Park xilkeedii wuxuu ku wareegayaa Ra'iisul wasaare Hwang Kyo-ahn.

Kumanaan dad ah oo caraysan ayaa jooga banaanka dhismaha baarlamaaanka iyaga oo doonayay in xilka laga qaado madaxwaynaha.

Madxweynaha xilka laga xayuubiyay ayaa todobaadyadii ugu danbeeyay wajaheysay fadeexad siyaasadeed oo horseeday mudaaharaaadyo badan.

Fadeexaddaasi waxay salka ku haysaa gabar ay saaxiibo yihiin madaxwaynaha oo la sheegay in ay kalsoonidaas u adeegsatay in ay dano gaar ah ku fushato.

Waxaa lagu eedeeyay in Park ay door ku leedahay musuqmaasuqa ay samaysay saaxiibadeed, laakiin way diiday eedaymahaas.

Ugu danbeyntii, waxaa kale kale oo ay ka dhago adaygtay baaqyo loo soo jeediyay oo ku aadanaa in ay xilka iska casisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya