4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 9 , 2016
Garabkii Jamaal Cali Xuseen ee kasoo Jabay UCID oo ku kala Aragti Duwan xisbiga ay ku biirayaan


Jimco, December 09, 2016 (HOL) — Garabkii uu hogaaminayey Jamaal Cali Xuseen ee ka go’ay xisbiga UCID ayaa isku khilaafay xisbiyadda kale ee ay ku biiraayaan, kuwaas oo iyaguna laba u sii kala jabay.

Guddi uu magacaabay Jamaal Cali Xuseen oo shaqadooddu ahayd in labada xisbi ee KULMIYE iyo WADDANi la kulmaan si ay u qiimeeyaan xisbiga mustaqbalkoodda ku aamin doonaan ama taageeradda siin donaan ayaa guddidii qayb ka mid ah sheegtay inay ku biirayaan xisbiga WADANI, halka xubnihii kale ee uu ku jiray Jamaal Cali xuseena sheegeen in aanay wali jirin xisbi ay go’aan ku gaadheen inay ku biiri doonaan, waxaanu sheegay in toddobaadka soo socda shaacin doonaan xisbiga ku biiri donaan.

Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlaya garabkooddii iyo waxa ku keenay kala jabka waxa uu yidhi“waxaanu iskugu nimid maanta in aanu mad madowga ka saarno oo aanu cadayno  halka garabkayagii aan hogaaminayey u socdo, waad ogaydeen oo wixii nagu wada dhacay waad ogaydeen, guddi shan qof ah ayaaan saaray oo aan anigu magacaabay, waxaan ku nidhi waa inaad la shirtaan labadda xisbi ee KULMIYE iyo WADDANI,maadaama oo aanu xisbigayagii naga burburay in aan dadkayagii aanay siyaasadda banaanka ka istaagin ee ay xisbi is barbar istaagaan, shantii xubnood marka ay soo ururiyaaan warbixinta waxay ahayd inay aniga ii yimaadaan oo meel isku biyo shubanno, guddi way kala jabeen , xubno hadlay waxay sheegeen in garabkii Jamaal Cali Xuseen ku biireen xisbiga WADDANI, taasina waxba kama jirin oo la igalama tashan, gudida sadexda qof iyo masuuliyiintii kale ee ila soo halgamay abaal iyo wanaag faro badan ayaan u hayaa, haddii ay iyagu go’aansadeen inay ku biiraan WADDANI ducaan ugu daray, aniguna waxaan dib ugu noqonayaa dadkii nala soo shaqeeyey iyo taageerayaashii aan kula noqon doonaa halka cududayadda ku wareejin doonnaa, waxaana cadayn doonnaa toddobaadka soo socda.”

Mar la waydiiyey inuu damacsan yahay inuu ku biirayo xisbiga KULMIYE waxa uu kaga jawaabay “hadddii aan Muuse Biixi  iyo kulmiye eego wax dhibaato ah kuma jiraan, Gaboosa-ba waakii ku biiray isagoo la col ahaa Cirro, Saleebaan gaalna waa kii ku biiray Siilaanyo, marka ragaasi dee gaallo maaha siyaasadana way jiri jirtay rag col ahaa oo marka dambe isku yimaada, siyaasadda waa la yidhaa saaxiib joogta ah ma leh ee dan joogta ah ayey leedahay taasna Somaliland baan ku bartay, raga waawen ee ruug cadaaga ahi ee Gaboose iyo Saleebaan-ba wixii ay sameeyeen haddii aan sameeyo dee waxba kuma jabna, saaxiibaddayda iga degdegayna waan jeclaa inaan isku aragi noqono haddii aan xisbi galayno iyo haddii aanu siyaasadaba ka nasanaynaba labada wali way noo banaan tahay ”

Sidoo kale, xubno ka mid ah garabkii Jamaal Cali Xuseen oo uu hogaaminayo xoghayihii xisbiga UCID gaar ahaan garabka Jamaal ayaa iyagu shaaciyey inay ku biirayaan xisbiga WADDANI, isla markaana taageero siyaasadeed siinayaan xisbigaasi.

Khilaafkan garabkan Jamaal soo kala dhexgalay ayaa ka dhashay kala jiidashadda labaddan xisbi ee KULMIYE iyo WADDANI oo tan iyo intii ay ka soo jabeen xisbiga UCID shirar joogta ah la galeen, taasina waxay keentay inay laba u sii kala jabaaan garabkooddii isku aragtidda ahaa markii hore.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland