4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 9 , 2016
Ganacsato sheegay in Xukuumadda Sucuudigu ay hakisay Dhoofka Xoolaha Somalia ka yimaada


jimco, December 09, 2016 (HOL) — Ganacsatada dhoofiya Xoolaha Soomaaliya oo Dalka Sucuudiga ku sugan, ayaa sheegay in Qoraal kasoo baxay Wasaradda Deegaanka, Beeraha iyo biyaha ee Sucuudiga lagu sheegay in si KMG ah loo hakiyay dhoofka Xoolihii Somalia ka taga.

Nuux Daahir Camuud oo ku sugan Jeddah ayaa VOA-da u sheegay in amar kasoo baxay Xukuumadda Sucuudiga loo qaybiyay qaar ganacsatooda ka mid ah, isla markaana amar lagu sheegay in la hakiyo xoolaha iyadoo loo sababeeyay arrimo dhinaca caafimaadka ah.

“Qoraalkan oo kasoo baxay Wasaaradda Beeraha Sucuudiga, waxayna ku sheegeen in la hakiyay xoolaha laga soo dhooiyo Somalia, dhammaan cid walba oo ay khuseysana way u qaybiyeen sida Maxjarrada,” ayuu yiri Nuur oo la hadlayay VOA-da.

Sidoo kale, Ganacsadahan ayaa la weydiiyay su'aal ah, maxaa ku qoran Warqadda, ayuu ku Jawaabay. “Waxay Qoraalkan ku sheegeen in Arrimo dhinaca Caafimaad ah loo Hakiyay xoolaha Soomaalida, balse xilli cayiman ma aysan sheegin marka laga soo tago si Xilliga KMG-ka ah.”

Waxaa kaloo la Weydiiyay in ay jiraan Ganacsado hadda doonaysa inay dalka Sucuudiga xoolo u dhoofiyaan, wuxuuna ku jawaabay in dhawrkii sano ee la soo dhaaafay uu suuqu furnaa, ayna jiraan ganacsato xoolo badan oo dalka Sucuudiga ku sugan, kuwo soo socda iyo kuwo diyaar u ah in la dhoofiyo.

“Joojintan dhoofinta xoolaha la joojinayo runtii dhibaato weyn ayay ku tahay ganacasatada iyo Dadka Soomaaliyeed, iyadoo lagu jiro xilli adag,,” ayuu mar kale yiri ganacsadahan.    

Dhanka kale, Go'aankan ay Ganacsatada Soomaalidu sheegtay in Dowladda Sucuudiga soo saartay illaa haatan Xukuumadaha Soomaaliya iyo Sucuudigu ma aysan xaqiijin, inkastoo saraakiil Somali ah ay sheegeen inay Warkaan  maqleen, balse ay mar kale hadli doonaan.

Ugu dambeyntii, Tallaabadan uu Sucuudigu ku hakiyay dhoofka Xoolaha Soomaaliya ayaa ku soo beegmaysa xilli deegaanno badan oo Somalia ah ay ka jiraan Abaaro saameyn weyn ku yeeshay Dadka iyo Duunyada.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya