4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 8 , 2016
Midowga Yurub oo Sheegay in uu baarayo Jir-dil loo gaystay wariye ka howl-gala Garowe

/images/2016/Dec/

Khamiis, December, 08, 2016 (HOL) -Midowga Yurub ayaa si adag uga hadlay fal isugu jira gacan ka hadal iyo hanjabaad loo gaystay wariye Cumar Maxamed oo kamid ah wariyayaasha ka howl-gala deegaanada Puntland.

Wariyahan ayaa dhibane u noqday gacan ka hadal uu kala kulmay ganacsade John Yardi Warsame oo ah mulkiilaha Shirkadda Dhismaha ee Al-Baashit oo kamid ah Shirkadaha u tartamaya Qandaraas uu Midowga Yurub maal-galinayo oo lagu dhisayo jidka isku xira Gaalkacyo iyo Garowe.

“Midowga Yurub waxa uu si adag u canbaareynayaa gacan ka hadalka loo gaystay wariyaha , hadii la soo cadeeyo falkan ma noqon doono mid loo dul-qaadan doono “ ayaa lagu yiri war kooban oo xafiiska Midowga Yurub ee Somalia uu soo saaray maanta galinkii danbe.

“ Midowga  Yurub waxaa uu ka wal-walsan-yahay musuq-maasuqa hareeyay mashruucan ,waxaan ku kalsnoon-nahay in aan ku samayn doono baaritaan arintan,waxaana la tix-galin doonaa waxa ka soo baxa baaritaankaas “ ayaa mar kale lagu yiri war-saxaafadeedkan oo ay HOL heshay.

Wariye Cumar Dheere oo tafaftire ka ah wargays ka soo baxa Garowe oo lagu magacabo Horseed ayaa sheegay in rag-ga kala ah Yaasiin Axmed iyo John Yardi oo labaduba ah gacansato caan ah ay ugu hanjabeen dil hadii uu mar kale wax ka qoro qandaraaska ay u tartamayaan.

“ Ninka lagu magacaabo John Yardi oo Wata baabuur Mark II, oo uu weheliyo Nin kale, ayaa i dhaafay, kadibna wuu istaagay, baabuurka ayuuna dib u soo celiyay, wuxuuna iigu yeeray magacayga, kadibna baabuurka ayuu ka soo degay. wuxuu iigu hanjabay inuu i dilayo, ka dibna wuxuu Wajiga dhinaca bidix igaga dhuftay Feer, waxaana qabtay oo dajiyay, oo baabuurka ku celiyay ninkii kale ee La socday” ayuu yiri wariye Cumar Dheere.

“20 daqiiqo ka dib waxaa soo wacay Gaar Yaasiin Axmed oo ah mulkiilaha shirkada Dhismaha ee ILGAR, wuxuuna iigu hanjabay in Toddobo Xabo igu dhufanayo, islamarkaana ii soo dirayo dhalinyaro Madaxa iga toogata” ayuu mar kale yiri dhibanahan.

Ugu danbayn, dowladda Puntland oo Mashruucan ka heshay Midowga Yurub ayaan wali ka hadlin musuq-maasuq la sheegay in uu ka jiro hay’adda Qandaraasyada Puntland, waxaana la sheegay in Qandaraaskan ay saamayn ku leeyihiin ganacsato caan ah oo ay ku jiraan labada uu xusay wariyaha.

Hiiraan Online News Desk