4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 8 , 2016
Cabdiqaadir Iimaan Warsame: Farsamo ahaan qorshayagii waa halkiiisii

 

Khamiis,Diseembar 8,2016 (HOL)- Guddoomiyaha guddida doorashooyinka qaranka, Cabdiqaadir Iimaan Warsame ayaa sheegay in shaqadoodii loo igmaday ay ku taagan yihiin balse arrimaha abaaraha ee jira ay u baahan yihiin in talo qaran laga yeelo inay doorashadu dhacdo waqtigii loo qorsheeyey.

Cabdiqaadir Iimaan Warsame ayaa sheegay in diyaar u yihiin inay doorashaddu wakhtigeedda dhacdo balse abaarta jirtaa saamayn ku yeelan karto wakhtigii loo caayimay.

Mar uu ka jawaabayey in doorashaddu dhici karto wakhtigii loo asteeyey waxa uu yidhi “Farsamo ahaan qorshayagii waa halkiiisii, qorshihiina waanu ku jirnaa in aanu gaadho jidkii lagu gaadhi lahaa in 2017 doorasho qabsoonto oo noqon doonta mid xor oo xalaal ah”

Mar wax laga waydiiyey abaarta dalka ka jirta inay saameyn ku noqon karto iyo ina kale waxa uu yidhi “ anagu dadka ayaanu ka mid nahay, farso ahaan waanu qabanaynaa baanu nidhi, laakiin abaartuna ilaahay ha inaga soo jabiyee waa arrin u taalla heer qaran, marka in laga wada tashado ayuuu noqonaaa arrintaasi, laakiin hawshii loo igmaday guddida doorashooyinka la odhan maayo wuu gabay ee waanu wadnaa waana u taaganahay shaqaddii”.

Mar la waydiiyey in lagu dhaliilo in  aanay shaqadaasi doorashooyinka ka soo bixin Karin, waxa uu gudoomiyuhu kaga jawaabay “Laba sanadood ee aanu joognay wax badan waanu qabanay haddii aan la iska indho tirayn shaqadan aanu qabanay oo diiwaangelintii wax yar may ahayn aanu dalka oo dhan ka qabanay, waxay ahayd wadankii ugu horeeyey ee isha bu’deeda la sawirayo aduunka marka taas ma la odhan karaa waxa qabtay komishan jilicsan, waa maya ayaa odhanayaa taas.”.

Sidoo kale, gudoomiyuhu wuxuu sheegay in maalinta Sabtidda ay daabacaddii iyo qaybintii kaadhadhka ka bilaabi doonaan gobolka Awdal iyo Gobolka Togdheer, kuwaas oo guddida doorashooyinku u kala bixi doonaan.

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.