4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 8 , 2016
SAWIRRO: Danjiraha Cusub ee Dalka Yemen oo Maanta laga Guddoomay Warqadaha Aqoonsiga

Khamiis, December 08, 2016 (HOL) — Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda, isla mar ahaantaana ah Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Cali Maxamed [Kadiye], ayaa maanta ka gudoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Danjiranimo, Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Yemen u qaabilsan Somalia, Danjire Fadal Ali Al-hanak.

Qaabilaadda Danjiraha Cusub kaddib, ayuu Wasiir ku-xigeenku Kulan Gaar ah la yeeshay Danjire Fadal Al-hanak, Waxayna ka Wada-hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada waddan ka dhexeeya, xaaladihii u dambeeyay ee gobolka, arrimaha qaxootiga iyo Amniga.

Sidoo kale, Waxaa xusid mudan in xiriirka Dublamaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Yemen ka dhexeeya uu si rasmi ah u soo bilowday 18-kii bishii December Sannadkii 1960-kii.

Ugu dambeyn, Soomaaliya ayaa waxaa Yemen kala dhaxeeya Xiriir dhinacyo badan leh oo ku qotama is-kaashi wadaag iyo derisnimo. Iyadoo lagu wado in danjiraha cusub ee Yemen uu Warqadahiisa Aqoonsiga ka Guddoomo mar kale Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya