4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 8 , 2016
Madaxweyne Xasan oo ka Tacsiyeeyay Geeridii Madaxii Shirkaddii Somali Airlines Jen. Guuleed


Khamiis, December 08, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Allaha u raxmadee Guddoomiyihii Shirkaddii Somali Airlines - Marxuum Jen. Maxamuud Maxamed Guuleed oo ku Geeriyooday Xarunta Dalka Kenya ee Nairobi.

Xasan Sheekh, ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyay; qoyskii, ehelladii iyo dadka Soomaaliyeed ee uu ka Geeriyooday Allaha u Naxariistee Marxuum Guuleed oo mar soo noqday taliyihii ciidamada circa Soomaaliya, ka hor intii aan loo wareejiin Shirkaddii Somali Airlines.

"Innaa LILLAAHI Wa Innaa ILEYHI Raajicuun, ALLAHA u naxariistee Jeneraal Guuleed Wuxuu ahaa Waddani Hawl-karnimo dheeraad ah lahaa. Samir iyo Iimaan ALLAHA naga wada siiyo, Isagana Jannadii Fardowsa EEBBE Ha-ka Waraabiyo,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Marxuum Guuleed uu ahaa shaqsi jecel Waddankiisa. Sidoo kale, Wuxuu ka mid ahaan jiray Saraakiishii Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya oo Nidaamka Dowladnimada ee Soomaaliya kaalin fiican kasoo qaatay.

Ugu dambeyn, Marxuum Maxamuud Maxamed Guuleed ku geeriyooday xanuun in muddo ah hayay. Wuxuuna dhawaan ka yimid Waddanka Hindiya oo uu Caafimaad ugu maqnaa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya