4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 8 , 2016
Wariye jir-dil iyo Hanjabaad loogu gaystay magaalada Garowe iyo MAP oo Canbaareysay

/images/2016/Dec/

Khamiis, December, 08, 2016 (HOL) -Ururka suxufiyiinta Puntland ee MAP ayaa si kulul u cambaareeyay Fal Gacan ka hadal iyo hanjaabaad isugu jira oo lagula kacay wariye ka tirsan wargayska iyo mareegta Horseed oo kamid ah warbaahinada ka howl-gala Puntland.

Ururka Map ayaa war uu soo saaray ku sheegay  inay ogaysiiyeen laamaha Ciidamadda Amniga Puntland, iyo taliyaha Ciidanka booliska Puntland  dareenkooda la xiriira kiiskan, iyaga weydiistay in baaritaan lagu sameeyo falkan oo ka hor-imaanay xoriyad-da muwaadinka iyo waliba saxafiga.

' Dowladda iyo hay’adaha amniga waxaa saaran waajib Dastuuri ah, inay dhawraan, ixtiraamaan, ilaaliyaan, kor u qaadaan xuquuqda iyo xorriyaadka asaasiga ah ee Dastuurka, oo ay ku jirto xorriyadda iyo madaxbannaanida saxaafadda ‘'  ayuu yiri Guddoomiyaha  Ururka MAP Faysal Khaliif Barre

'' Haddii ayn shirkaduhu ku qanacsanayn  eedaha maqaalka, taasi  micnaheedu ma aha inay  weeraraan wariyaha. Waxaa haboonayd in aan gacan ka hadal loo badalin wixii tabasho ah ee jira ” ayuu sii raaciyay Faysal Khaliif Barre.

Wariyaha la weeraray oo HOL la hadlay ayaa sheegay in maalintii isniintii ee toddobaadkii hore uu weerar gacan ka hadal ah ku soo qaaday Ganacsade John Yardi Warsame oo ah mulkiilaha shirkadda Dhismaha ee Al-Baashit, isagoo xiligaas marayay wadada ka dambaysa Garoonka ciyaaraha ee Magaaladda Garoowe

“ Ninka lagu magacaabo John Yardi oo Wata baabuur Mark II, oo uu weheliyo Nin kale, ayaa i dhaafay, kadibna wuu istaagay, baabuurka ayuuna dib u soo celiyay, wuxuuna iigu yeeray magacayga, kadibna baabuurka ayuu ka soo degay. wuxuu iigu hanjabay inuu i dilayo, ka dibna wuxuu Wajiga dhinaca bidix igaga dhuftay Feer, waxaana qabtay oo dajiyay, oo baabuurka ku celiyay ninkii kale ee La socday”   ayuu yiri wariye Cumar Dheere.

“20 daqiiqo ka dib waxaa soo wacay Gaar Yaasiin Axmed oo ah mulkiilaha shirkada Dhismaha ee ILGAR, wuxuuna iigu hanjabay in Toddobo Xabo igu dhufanayo, islamarkaana ii soo dirayo  dhalinyaro Madaxa iga toogata” ayuu yiri Cumar Dheere.

18 Bishii December, waxaa wargayska Horseed oo ka soo baxay magaalada Garoowe ku soo baxay maqaal looga hadlay Musuq-maasuqa Qandaraasyada iyo Iibka ee Puntland ka jira, kaasi oo isugu jiray Xogo iyo warbixino laga soo ururiyay musuq-maasuq hareeyay hay’adda qandaraas-yada Puntland.

Ugu danbayn Cumar Siciid Maxamed oo kamid ah saxafiyiinta Puntland ayaa dalbaday in cadaalad lagu dhameeyo danbiga laga galay ,waxaana uu ugu baaqay dowlad-da in aysan baal-marin waajibaadka ka saaran xoriyad-da muwaadinka.

Hiiraan Online News Desk