4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 8 , 2016
Guddiga Maamulka Maaliyadda DF oo ku Hawlan Hagaajinta Heshiisyada Shidaalka iyo Gaaska

Khamiis, December 08, 2016 (HOL) — Guddiga Maamulka Maaliyadda, ayaa kulankiisii bilaha ahaa ee 19-aad, wuxuu ku yeeshay xarunta madaxtooyada Muqdisho. Guddiga ayaa ka dooday warbixin ay soo saartay kooxda dabagalka cunaqabataynta hubka ee Ereteria iyo Soomaaliya, gaar ahaan walaacyada laga muujiyay nidaamka maaraynta daqliga.

Guddigu ayaa kuur-gal ku sameeya dib uga Xaajoodka Qandaraasyada DF Somalia iyo soo uruurinta dakhliga si loo hagaajiyo waxqabadka qandaraaska, korna loogu qaado qiimaha waxa lacagtu ay goyso marka ay dowladda wax iibsanayso si looga gun gaaro hagaajinta daahfurnaanta loo samaynayo canshuur bixiyeyaasha.

Guddiga ayaa ku howlan dib-u-eegista dakhliga ka soo xarooda garoonka, canshuuraha wado marista, qandaraasyada, taarigooyinka baabuurta, iyo dib-u-eegista maaraynta dekedda oo lagu wado inay bilaabato 2017.

Ugu horayntii Guddiga maamulka maaliyadda ayaa ka dooday howlaha bangiga ee muhiimka u ah daqli aruurinta, Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Dhexe waxayna si wada jir ah u aas aasi doonaan isfaham ogolaanaya in dowladda iyo bangiyada ganacsiga laga sameeyo akoono daqli ururin, waxaana isfahamka dib-u-eegis ku samaynaya xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, iyadoo looga gol leeyahay in la hagaajiyo maaraynta lacagta gacanta lagu qabanayo, lana abuuro xaalado kor u qaadaya niyadda canshuur bixiyeyaasha iyo horumarinta hanaanka bangiyada.

Sidoo kale, Gudigu ayaa dib-u-eegis ku sameeyay heeshiiska nidaamka  shidaalka iyo qaybsiga  soo saarida gaaska kaas oo ay soo saartay Wasaaradda Shidaalka iyo Macdanta. Heshiiska ayaa sal u noqonaya nidaam wada shaqayn oo u dhexeeya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo shirkadaha shidaalka. Guddigu wuxuu sidoo kale xoogga saarayaa arrimaha lacagaha ee heshiiska isagoo ku talo bixiyay in shirkadaha shidaalka ay dhiibaan canshuurta shirkadaha oo laga bixinayo saamiga shirkadaha iyo macaashka gaaska la iibiyo. Guddigu ayaa ku taliyay wada xaajoodyada gaarka ah inay ku salaysnaadaan hanaanka wada qaybisiga (Production Sharing Agreement). Guddigu wuxuu sidoo kale ka  dooday nidaamka ay dowladda Soomaaliya u wajahayso hanaanka qaybsiga khayraadka dabiiciga ah.

Guddigu wuxuu ku nuux-nuuxsaday in saamiga daqliga khayraadka dabiiciga ah la qoondeeyo sanad walba si loogu isticmaalo kharashaadka dowladda iyo maalgalinta kaabayaasha dhaqaalaha.Waxaa kale oo gudiga maamulka maaliyaddu uu isku raacay in la soo jeediyo qodobo lagu darayo sharciga maamulka maaliyadda dowladda kaas oo qeexidoona mabadii'da quseeysa maaraynta dakhliga kheyraadka dabiiciga ah ee ku saabsan siyaasadda lacagta, qaybsiga dakhliga, qulqulka lacagta, iyo maaraynta lacagaha.

Ugu dambayn, Guddiga Maamulka Lacagta wuxuu isku raacay inuu diyaariyo warbixin  maamulka maaliyadda si dib u eegis loogu sameeyo ilaa iyo 2014 islamarkaasina falaqayn lagu sameeyo caqabadaha taagan. Warbixinta ayaa diyaar noqon doonta horaanta sanadka 2017 waxayna dowladda cusub siin doontaa macluumaadka ku saabsan arrimaha maamulka maaliyadda.

Gudiga Maamulka Maaliyadda, Waxaa la aas aasay horraantii sanadka 2014-kii iyadoo DF Soomaaliya iyo beesha caalamka ay ku heshiiyeen samaynta gudigaan si uu u noqdo madal loo adeegsado talobixinta iyo wadahadalka ku saabsan istaraatijiyada maamulka arrimaha maaliyadda. Waxaana guddiga xubno ka ah Wasiirka Maaliyadda Maxamed Ferkeeti oo Guddoomiye u ah Guddiga, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, Wakiillo ka socda Xaafiiska Ra'iisal Wasaaraha, Wakiilo ka socda xaafiiska Madaxweynaha, Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka, Xeer-ilaaliyaha Qaranka, Xubno Metelaya Bangiga Adduunka, Hay'adda lacagta adduunka iyo Deeq-bixiyeyaasha.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya