4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 8 , 2016
Dagaal culus oo ciidammada dowladda iyo Al-shabaab ku dhaxmaraya dulleedka magaalada Baydhabo

Khamiis, December, 08, 2016 (HOL) -  Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidammada dowladda iyo xoogagga Al-shabaab ayaa goor dhaw oo maanta ah ka qarxay deegaan dulleedka ka xiga magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Dagaalka oo goor dhaw oo saakay ah bilaawday ayaa ka danbeeyay weerar xoogagga Al-shabaab ku soo qaadeen saldhig ciidammada dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Goofgaduud oo ah halka lagu dagaalamayo.

Dhinacaya iska soo horjeeda  oo adeegsanaya hub kala duwan ayaa saameynta dagaalka dhaxmaraya waxaa siweyn looga dareemay magaalada Baydhabo oo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo loogu gurmanayo ciidammada dowladda ee la dagaalamaya Al-shabaab.\

Ma'aha markii ugu horeysay oo siddan oo kale ciidammada dowladda iyo Al-shabaab ugu dagaalamaan deegaanka Goofgaduud, hasse ahaatee dagaalkan ayaa ka mid ah dagaaladii ugu culsaa ee waayadan ka dhaca halkaa.\

Xoogagga Al-shabaab oo wali maamula qeybo ka mid ah gobollada Baay iyo Bakool ayaa inta badan weeraro ku qaada fariisimaha ciidammada dowladda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne Soomaaliya