4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 8 , 2016
Waa maxay sababta uu Yahya Jammeh u aqbalay in doorashadii looga adkaaday?

Khamiis, Disembar 08, 2016 (HOL)-Doorashadii dhawaan dalka Gambia ka dhacday ayaa madaxweynaha xilka ka dagaya ee in badan soo maamulaayay dalkaasi waa yahya Jammeh uu ogolaaday inuu xilka wareejinaayo kadib markii uu qiray in doorashada looga adkaaday.

Doorashooyin hore ayuu diiday in lagaga adkaaday asagoo la sheegay inuu xilka isku dhajiyay. 22 sano ayuu Gambia ka talinaayay.

Murashaxii mucaaradka Adama Barrow ayuu sheegay inuu durba xilka ku wareejin doono. Dad badan ayaa aad ula tacajabay arinkaa ah inuu baddalay isku dhajintii xilka.


Hadaba waxaa la isweydiin karaan waa maxay sababta keentay in uu ku dhasho fikirka ah inuu xilka wareejiyo dawrkaan?

Dadka siyaasada qaadaa dhiga ayaa sheegay in aad looga codad batay uuna kari waayay dawrkaan si uu dadka uga dhaadhiciyo inay asaga u codeeyaan.

Wuxuu sidoo kale awoodi waayay inuu ku shubto walow laga yaabo in daacadnimo uu kaashaday markaan maadaama uu yahay in Muslim ah.

Warbaahinta dalka Gambia jaarka la ah ee Senegal ayaa sheegtay in saraakiil sare oo militariga ka tirsan ay ka dhaadhiciyeen inuu aqbalo natiijada uuna qaatay ama hadii kale aysan taageeri doonin.

Diblomaasi Gambian ah oo jooga dal kale oo galbeedka Afrika kuyaal ayaa sheegay in Barrow uu  Jammeh u ballan qaaday badbaado inuu siin doono iyo ammaan hadii uusan xilka isku dhajin.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]