4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 8 , 2016
Daawo Sawiro laga soo qaaday degmada Qandala ee gobolka Bari & ciidammada Puntland oo howlgal ka wadda

Khamiis, December, 08, 2016 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Qandala oo maalintii shalay ay la wareegeen ciidammada dowlad gobolleedka Puntland ayaa sheegaya in halkaa ay ka waddaan ciidammada howlgal nadiifin ah, kaddib markii ay halkaa isaga baxeen maleeshiyaadkii Daacish in mudo ahba gacanta ku hayay.

Sawiro laga soo qaaday degmada ayaa muujinaya foojignaanta wali ka muuqata ciidammada Puntland, iyaga oo si taxadir leh ugu dhax lugeynaya xaafadda degmada, halka meellaha qaarna la arkayay ciidammada u dabaal dagaya la wareegida degmada ku taalla goob istiraajiji ah.

Saraakiisha ayaa sheegay cabsida ugu weyn ee degmada ka jirta tahay miinooyin laga yaabo in ay uga tageen xoogaggii laga saaray, taasoo keentay in ciidammada bilaabaan howlgal lagu xaqijinayo guud ahaanba xaafaddaha ay ka kooban tahay Qandala si shacabka ugu suurtagasho in ay dib ugu soo laabtaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya