4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 8 , 2016
Kenya: Boqolaal kun oo qaxooti ah oo macaluul qarka u saaran

Khamiis, Disembar 08, 2016 (HOL)-Boqolaal kun oo qaxooti ah oo isugu jira Soomaali iyo dadyow kale ayaa macaluul qarka u saaran xeryaha Dhadhaab iyo Kakuma ee Kenya.

In ka badan 400,000 oo qaxooti ah oo xeryahaa kunool ayaa xaalado adag oo raashin yari ah ay lasoo gudboonaatay kadib markii heyadihii raashinka bixin jiray ay lasoo daristay qarash yari sida warbaahinta caalamiga ah ay tebisay.

Hayada Barnaamijka Cunnada Aduunka [WFP] ayaa sheegtay shalay in loo baahan yahay 1.4 bilyan oo shilinka Kenya ah si loo xaqiijiyo sare u qaadida heerka nolosha ee qaxootigaa. Hayadaasi raashinkii xeryahaa ay ka bixin jirtay ayay dhintay.

Waxay sheegtay hadii deeqbixiyeyaashu aysan bixin qarash dheeraad ah inay iyana sii dhimi doonto raashinkii ay qaxootigaas siin jirtay.

Xeryahaa ayaa haatan isku darkooda waxaa ku nool qaxooti dhan ugu yaraan 400,000.  

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Caasimada Kenya ee Nairobi
[email protected]