4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 8 , 2016
Ilhaan Cumar oo hadalo Islaam nacayb ah uu darawal tagsi ku yiri

 

Khamiis, Diseembar 08, 2016 (HOL)-Darawal tagsi ayaa Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaali ah oo dhawaan senetka Mareykanka (gobolka Minnesota) loo doortay ku yiri hadalo Islaam nacayb ah.

 

Ilhaan Cumar ayaa qaxooti ahaan kusoo gashay Minnesota Mareykanka sanado badan ka hor dabadeedna dadaal dheer kadib doorashadii dhaweyd loo doortay inay xubin ka noqoto senetka Mareykanka(gobolka Minnesota). Waxay noqotay qofkii ugu horeeyay ee dumar ah hadana Muslim ah ee ka noqda Mareykanka senator (gobolka Minnesota).

 

Sida ay boggeeda facebook ku qortay wade tagsi ay raacday ayaa ku yiri erayo ka dhan ah Muslimiinta shalay mar ay dooneysay inay meel ka mid ah Washington DC oo baryahaan ay hawlo u joogtay ay ku gaadho.

 

Dabcan aqoon uma uusan lahayn Ilhaan Cumar iyo inay tahay qof loo doortay senetka Mareyknaka (gobolka Minnesota).

 

Waxay sheegtay inuu yiri 'waxaad ka mid tahay Daacish xijaabka ayaana kaa siibayaa'.

 

Waxay sheegtay inay walbahaar ka qaaday oraahdaa Muslimiin nacaybka ah ee darawalku kuyiri.

 

Hadii senetor sidaa loola dhaqmaayo dadka caadiga ah ee Muslimiinta ah gaar ahaan Soomaalida maxaad moodaa?

 

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]