4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 7 , 2016
Shacabka Koonfur Afrika oo loogu baaqay inay sii wadaan Mabaadi'dii Nelson Mandela ka haray


Arbaco, December 07, 2016 (HOL) — Iyadoo dalka Koonfur Afrika Talaadadii shalay laga xusay Sannad-guuradii Saddexaad ee kasoo wareegatay Geeridii Madaxweynihii Koowaad ee Dalkaas, Nelson Mandela ayaa Shacabka loogu baaqay in ay sii wadaan Mabaadi'dii uu dalka ku hoggaaminayay Mandela.

Madaxweyne ku xigeenka Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa ayaa Xafladdii lagu Xusayay Mandela oo ay kumanaan shacab ahi ka Qayb-galeen ugu baaqay in shacabku ay xoojiyaan Midnimada iyo Wwadajirha reer Koonfur Afrika.

Sido kale, Ramaphosa ayaa hadalkiisa ku daray in haddii la doonayo in Xal waara loo helo Caqabadaha Haysta Shacabka; Sida Musuq-maasuqa loo baahan yahay Midnimo Qaran si looga gudbo caqabadahaas oo dhan.

Dhanka kale, Nelson Mandela ayaa Geeriyooday 05-tii Bishii December ee Sanadkii 2013-kii isagoo 94-jir ah, waxaana geeridiisa looga dareemay inta badan Waddamada Caalamka.

Ugu dambeyn, Warar Madax-bannaan ayaa sheegaya in Saddex Sanadood kaddib Geeridii Nelson Mandela uu kala Qayb-samay Xisbiga talada Haya ee ANC oo uu Xubin buuxda ka ahaa Hoggaamiyihii Geeriyooday ee Koonfur Afrika.

Cumar Muxumed Maxamed [Kiyow]
[email protected]  
Johannesburg, Koonfur Afrika