4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 7 , 2016
Guddoomiyhii Sharikadda Somali Airlines oo ku geeriyooday magaalada Nairobi

 

Arboco, December 7, 2016 (HOL) - Guddoomiyihii sharikadda Somali Airlines Maxamuud Maxamed Guuleed ayaa manta ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Mudan Guuleed ayaa u dhintay jiro in mudda ah haysay. Waxaan uu dhawaan ka yimid dalka Hindiya ee uu caafimaad ugu maqnaa.

Maxamuud Maxamed Guuleed ayaa wuxuu ahaa Taliyihii Ciidanka Cirka Soomaaliyeed ka hor inta aan loo magacaabin gudoomiyenimada sharikadda Somali Airlines.

Mudane Guuleed ayaa wuxuu ka mid ahaa Duuliyayaashii ugu horeeyey ee loo soo tababaro Ciidanka Cirka Soomaaliyeed. Isaga tababar duuliyenimo u aaday dalka Masar iyo dalkii Midowga Sofiyeetiga ee hadda loo yaqaano Russia. Wuxuuna ka mid ahaa duuliyayaashii ugu wanaagsanaa ee tabarka halkaas ku soo dhameysto.

Mudane Guuleed ayaa dhowr sanno u xirnaa dowladdii Maxamed Siyaad Barre, isaga oo lagu eedeeyey in uu qayb-ka ahaa in-qilaabkii dhicisoobay ee uu hogaaminayey Cabdullaahi Yuusuf ee dhammaadkii sannadkii 1978 .

Dib Ayaan idiinku soo sheegidoonaa taariikhdiisii dheereed ee Maxamuud Maxamed Guuleed.