4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 7 , 2016
Dood cilmiyeed looga hadlayay tacadiyada ka dhanka ah jinsiga iyo haweenka oo Garoowe ka dhacay

Arbaco, December, 07, 2016 (HOL) -Wasaaradda Haweenka Putland ayaa Garowe ku qabtey Dood cilmiyeed loga hadlayay ka hortigada Tacdiyadaha ka dhanka ah Jinsiga iyo Hormarinta Haweenka,Kaasoo ay ka qayb-galeen Wasiiro, Xubno ka mid ah Golaha sharci dajinta Puntland,Sharciyaqaano,Qaar kamid ah Madaxda Hay'adaha Caalamiga ah iyo Masuuliyiin kale.

Dood cilmiyeedka ayaa inta uu socday waxa si wey loga hadlay kobcinta Aqoonta Gabdhaha.Hirgalinta Siyaasada Gudniinka  Fircooniga,Darryeelka Caruurta danyarta ahi,Yaraynta iyo Ka hortaga Tacdiyaha lo gaysto Dumerka oo kufsigu uu ka mid yahay.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Puntland Abshir Aw Yuusuf Ciise oo ka mid ah Maxdii Doodclimiyeeedkan ka qayb-galay ayaa Xusay in diintu qaymo weyn siisay dumerka islaamka islamarkaana wuxuu Dumerka soomaaliyeed ku tilmaamay inay yihiin kuwa  ugu leh qadarin gaaar ah

Sidoo kale,Qaar kamid ah Dadkii ka so qayb-galay Doodclimiyeedkan ayaa aad ugu nuux nuuxsaday Tacdiyadaha dumerka loo gaysto,iyadoona  inta badani eedaymahoodu ay ku dhacayeen Xeer jajabyada  odayaal dhaqameedka ay wax ku xaliyaan marka dumerka la dhibaateeyo.

Ugu Danbaytii,Wasiirka wasaarada Haweenka Puntland Anisa Xaaji Muumin ayaa gabo-gabadii Doodcilmiyeedka loga hadlayay ka hortigada Tacdiyada ka dhanka ah Jinsiga ka sheegtay in loo baahan yahay in taalabo Cad laga qaado cid walba tacdi dumerka Soomaaliyeed u gaysta.

Si'kastaba ha ahaate, Dood Cilmiyeedkan  loga hadlayay ka hortagida Tacdiydaha Dumerka lo gaysto ayaa Qodobada ka so baxay hadii siday tahay lo dhaqan-galiyo waxa dhimi kartaa Tacdiga Dumerka ay la kulmaan.

Abaadir C/qaadir Cilmi, Hiiraan Online
E-mail: [email protected]
Garoowe, Puntland - Soomaaliya