4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 7 , 2016
SAWIRO: Taliyaha booliska Puntland iyo madaxa booliska QM ee Somalia oo ku kulmay Garoowe

Arbaco, December 07, 2016 (HOL) — Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Jen. C/qaadir Shire Faarax Erag iyo Madax kale oo Puntland ka tirsan ayaa Maanta Garoowe kulan kula yeeshay Wafdi u Hoggaminyay, Christoph Buik oo ah Taliyaha Booliska QM u Qaabilsan Soomaaliya.

Kulankan oo ka dhacay Xarunta Hay'adda Cilmi-baarista Puntland ee PDRC ayaa loga hadlay Qaab-dhismmeedka cusub ee ay yeelanayaan Ciidamada Booliiska Soomaaliya oo lagu wado in tayeyn lagu sameeyo.

Sidoo kale, Wasiir ku xigeenka Amniga Puntland, ahna ku simaha Wasiirka Ammaanka Puntland, C/casiis Aadan Guul iyo sharci-yaqaanno reer Puntland ayaa shirka qayb ka ahaa, Waxaana la isku raacay in la sameeyo Guddi farsamo oo ka shaqeeya Qaab-dhismmeedka Cusub  ee Ciidamada Booliiska Somalia ay yeelan doonan.

Taliyaha Booliska Puntland, Jen. C/qaadir Shire Faarax (Erag) ayaa Xusay in Tayeynta Booliska Puntland meel wanaagsan marsiinayaan laakiise ay baahi u qabaan in laga gacansiiyo tababarrada ciidamada iyo inay helaan Dugsiyo lagu tababaro.

Jen. Ereg ayaa tilmaamay in Booliska Somalia Qaab-dhismeedkooda cusub lagu saleeyo cilmiga iyo cudud booliiska maamul kasta oo Soomaaliyeed u leeyahay.

Dhinaca kale, Taliyaha Booliska QM ee Dalka Somalia, Christoph Buik, ayaa isagana sheegay in Qaabdhismmeedka Cusub ee ay yeelanayaan Ciidamada Booliska Somalia inuu wax badan u ka bedeli-doono Amniga Soomaaliya isagoo Puntland ku ammaanay soo nooleynta Ammaanka.

Ugu dambeyn, Kulankaan, ayaa Daba-socday Kulammo hore oo Qaab-dhismeedka Cusub ee Cidamada Booliiska Somalia ay yeelan doonan laga Hadalay, sida manhajka Tababarka Ciidamada iyo Qeexidda Hannaanka lagu soo Xulayo.

Abaadir C/qaadir, Hiiraan Online
E-mail:
[email protected]
Garoowe, Puntland - Soomaaliya