4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 7 , 2016
DAAWO: Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota oo ku baaqay in loo kaco Abaaraha Soomaaliya

Arbaco, December 07, 2016 (HOL) — Jaaliyada Soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota iyo Hay'ada Read Horn of Africa REED oo Shir jaraa'id Wadajir ugu Qabtay Minneapolis uga hadlay Xaaladda adag ee abaaraha ka taagan Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta Labadaan dhinac, ayaa ugu baaqay Ummadda Soomaaliyeed in ay gacan u fidiyaan dadka ay abaaruhu wax-yeelleeyeen.

Shirka jaraa’id waxaa ka hadlay, Culammada, Wax-garadka, odayaasha iyo dhallinyarada waxayna dhamaantood si wadajir ah baaq ugu direen Bulshada Soomaaliyeed inay is-gar-gaaraan oo loo kaco sidii loo caawin lahaa dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Xubnihii shirka jaraa’id ka hadlay waxaa ka mid ahaa; Muuse Galac oo diray Baaq Qayla-dhaan ah oo la xiriira guud ahaan Soomaalida, gaar ahaan kuwa Qurbaha jooga ee Awooda in ay Walaalahood Soomaaliyeed Taakuleeyaan. Waxaana Erayadii Qiirada lahaa ka mid ahaa; "Walaalayaal ka dhiidhiya waxa maanta dhacaya Soomaaliya."

Muuse Galac oo ka mid ahaa odayaal-dhaqameedka Soomaaliyeed ee dalkan Maraykanka sida weyn looga Qaddariyo ayaa intaas ku daray, Aabbayaalkiin, Hooyooyinkiin iyo Asal-kiinnii badidood ayaa meesha ku dayacan.

Sidoo kale, Mas’uuliyiintii ka hadashay madasha ayaa cabiray Xaaladda adag ee Abaaraha iyo Muhiiimadda ay leedahay Taakuleynta iyo in la Gacan Qabto Dadka Soomaaliyeed ee Musiibadaas ay heshay.

Abaarahaan oo kala dar-daran ayaa soo Noq-noqday Sannadihii ugu dambeeyay, ujeeddada Shirkaan jaraa’idna wuxuu ahaa u Dan-qashada iyo Taakulaynta Maatada Soomaaliyeed ee Abaaruhu ay saameeyeen.

Hay'ada Read Horn of Africa, Waa mid aan faa'iido doon ahayn oo ku hawlan horumarinta Wax-barashada ubadka Soomaaliyeed, isla markaana kaalmaysa Dadka Tabaaleysan, Gaar ahaan dadka abaaruhu ay aafeeyeen ayaa balan-qaaday inay gaarsiin doonto Kaalmooyinka soo gaara, waxaana magaca REED ku hadlay Bile Sugule oo ka mid ah Madaxda Hayadda.

Ugu dmbeyn, Xubnihii Goobtaas ka hadlay ee Arrintaan u soo istaagay inay baaqaan dadka Gaarsiinayaan ayaa kala ahaa; Cabdiraxmaan Dalmar, Shiikh C/risaaq Xaashi, Sh. C/risaaq Sancaani, Maxamed Maxamuud [Abgaalow], Liban Adan, Khaalid Maxamed iyo C/risaaaq Sugulle.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
E-mail:
[email protected]  
Minneapols, Minnesota - USA