4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 7 , 2016
Ciidammada Puntland oo si buuxda ula wareegay degmada Qandala

Arbaco, December, 07, 2016 (HOL) - Ciidammada dowlad gobolleedka Puntland oo todobaadyadii ugu danbeeyay dagaal culus ku jiray maleeshiyaad daacada u ah kooxda Daacish, ayaa ugu danbeyntii waxaa ay si buuxda gacanta ugu dhigeen degmada Qandala.

Jen Saciid Dheera oo ah taliyaha ciidammada difaaca dowlad gobolleedka Puntland ayaa warbaahinta la wadaagay warka ku saabsan la wareegida Qandala oo ah deegaan istiraatiiji ah.

Dagaal culus oo labada dhinac dhaxmaray ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen tiro ka badan 40 ruux oo isugu jiray xoogagga dagaalamay, waloow saraakiisha Puntland sheegeen in khasaare xoog leh gaarsiiyeen dagaalamayaasha Daacish,.

Ciidammadan gudaha u gallay Qandala ayaa dhowr jiho ka soo weeraray, iyaga oo gacan weyn ka helaya ciidammada badda Puntland oo duqeyn ku weeraray difaacyada xoogagga ay iska soo horjeedeen, waxaana wararku sheegayaan in maleeshiyaadkii halkaa ka baxay u talaabeen dhinaca dhulka buuraleyda ah.

Warbaahinta ayaa lagu wadaa in loo soo bandhigo Qandala iyo howlgalkii ay sameeyeen ciidammada Puntland, kaddib todobaadyo dagaalo culus dhaceen

Ugu daneyntii, dagaalyahannada  Daacish ayaa la wareegay  Qandala bishii  October ee sanadkan, iyaga oo wixii xiligaa ka danbeeyay weeraro is daba joog ah kala kulmayay ciidammada Puntland.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya