4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 7 , 2016
SAWIRO: Kulan lagu Taageeray Caasho X. Cilmi oo lagu Qabtay Magaalada Muqdisho: DAAWO

Arbaco, December 07, 2016 (HOL) — Kulan lagu taagerayay Xildhibaanad Caasho Xaaji Cilmi oo dhawaan kasoo laabtay degmada Cadaado ee Xarunta Galmudug, ayaa lagu lagu qabtay Muqdisho, kaas oo at ka Qayb-galeen Mas’uuliyiin kala duwan oo isuug jiray Rag iyo Haween.

Mas’uuilyiintii ka hadlay kulanka, waxaa ka mid ahaa; Bashiir Max’ed Aadan, Cabdulaahi Cilmi Xuseen, C/kariin Axmed Maxamuud, Saciid Siyaad Shirwac, Xaawo Xuseen Cilmi, Caasho Xaaji Cilmi, Cabdi Maxamed Axmed-Nuur iyo Nabadoon Maxamed Cabdulqaadir Geelle, kuwaasoo dhammaantood taageero buuxda u muujiyay Caasho Xaaji Cilmi.

“Waxaanu kalan la yeelanay Madaxweynaha Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed, isagoo nagu yiri; Kugsiga Gabadha Beesha Saleebaan Gacanteyda ayuu ku jiraa, Aniga ayaana ka gaaraya go’aan,” ayuu kulankaan ka yiri Bashiir Maxamed Aadan oo ka mid ahaa xubnihii ka hadlay kulankaas, isagoo intaas ku daray in kursigan uu ugaasku xaqiijiyay inay Gabar Gaabane ah leedahay.

Sidoo kale, Bashiir ayaa xusay in Guuleed uu ka Dhego-adaygay in Caasho Xaaji Cilmi la siiyo, Markii cid kasta ay Arrintaan kala hadashay, isagoo ku baaqay in Beesha Caalamka, Soomaalida oo dhan iyo ciddii wax-garata inay taaageero siiyaan gabadha.

Intaas kaddib, Waxaa Kulanka ka Hadashay Caasho Xaaji Cilmi oo sheegtay in Caddaalad-darrada ku dhacday ay dad badan ku dhacday, oo aysan keligeed ahayn. Waxayna sheegtay in loo baahan yahay in la fahmo in mas’uuliyiiinta Galmudug iyo Guddiga Doorashada ay yihiin kuwo kala gadan.

“Innagu, Waxaan haysannay Taageerada Shacabka Deegaannada Galmudug, laakiin haddii aan haysan lahayn Taageerada dadka dhibaatadaan nagu dhacday kama aanan soo kacneen. Waayo dadka cadowga ah ee Doorashada innaga Hor-joogsaday Dhibaato intaas ka badan ayay noo geysan lahaayeen haddii aanan taageerada bulshada haysan,” ayay hadalkeeda ku dartay Caasho X. Cilmi, iyadoo xustay in si wanaagsan loo qadariyay intii ay ku sugunayd Cadaado.

Dhanka kale, Caasho Xaaji ayaa sheegtay in ay ka sugayso Guddiga Xallinta Khliaafaadka ee Doorashooyinka Dad-ban oo ah Maxkamaddii ugu sarreysay in ay Cadaalad-darradii ka dhacday Cadaado ka cadaalad falaan, Waanan Rajeynayaa inay cadaaladda marin doonaan arrintaan.

“Anigu ma doonayo inaan ku fariisto kursi dhiig leh, ALLE ayaana ka magan-galay inaan ku fariisto. Maanta in doorasho laga hadlo macno weyn ayay ii sameynaysaa, mana aqbali doonno in dad gaar ah ay dantooda ku furshadaan danahooda gaarka ah,” ayay hadalkeeda ku dartay Caasho Xaaji Cilmi.

Ugu dameyntii, Caasho Xaaji Cilmi ayaa sheegtay in dhawr iyo toban Doorasho ay Goob-jooge ka ahayd, Innaguna waxaana diirada saaraynay mar walba in doorashooyinku ay ku dhacdo si Cadaalad ah oo aanay ku jirin Nin jecelaysi iyo eex.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya