4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 7 , 2016
Dhul-gariir dilay 97-qof oo burburiyay 14 Masjid oo Maanta ka dhacay Gobol ku yaalla Indooniisiya


Arbaco, December 07, 2016 (HOL) — Dhul-gariir ku dhuftay Gobolka Aceh ee Waddanka Indonesia, ayaa dilay ugu yaraan 97-qof, sida ay sheegeen Saraakiisha Millateriga Dalkaas.

Cabirka dhul-gariirka, ayaa waxaa lagu Qiyaasay 6.5 Rector, Dhismeyaal badan ayaa Bur-buray, waxaana laga cabsi qabaa in aydad badan ku hoos xayiran yihiin burburka hoostiisa.

“Waxaan dhul-gariirka waxaa illaa hadda ku dhintay 97 ruux, waxaana laga baqdin qabaa in tirade dhimashadu ay intaas ka sare marto,” ayay qaar ka mid ah saraakiisha Millateriga Indonesia u sheegeen Warbaahinta.

Sidoo kale, Taliyaha Ciidamada Millateriga Gobolka Aceh, ayaa Waraysi uu bixiyay oo si Toos ah looga baahiyay TV-ga, Wuxuu ku sheegay in tirada Dhimashadu ay sii kordhayso weli.

Afhayeen u hadlay hay'ada Musiibooyinka ee waddanka Indonesia ayaa sheegtay in tiro ka badan 200 oo Dukaamo iyo Guryo isugu jira ay dhulgariirkaan ku burbureen, kuwaasoo ay ku jiraan 14 Masaajid. Isbitaal iyo iskuul ayaa sidoo kale waxyeelo wayn soo gaartay.

Ugu dambeyn, Sanadkii 2004-tii ayaa dhul-gariir badda hoosteeda ka dhacay oo ku dhuftay Xeebaha Gobolka Aceh, ayaa Sababay Tsunami Waxaana Dalka Indonesia oo kali ah kaga dhintay 160,000 oo qof.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya