4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 7 , 2016
SAWIRRO: Xaflad lagu Maamuusayay Xirista Dugsiga Cumar Faaruuq oo lagu Qabtay Johannesburg

Arbaco, December 07, 2016 (HOL) — Munaasabad lagu Maamuusayay Xirtaanka Sannad-dugsiyeedka Iskuulka SIREC iyo Madarasada Cumar Faaruuq ayaa lagu qabtay Magaalada Johannseburg ee dalka Koonfur Afrika, waxaa kasoo qayb-galay bulshada qaybaheeda oo isugu jiray Aqoon-yahanno, Waxgarad, Ganacsatada iyo Waaliddiinta Caruurtoodu at wax ka bartaan Madarasadda iyo Iskuulka.

Munaasabaddan ayaa intii ay socotay ayaa lagu soo bandhigay Arday Fasalka ka horreeya fasalka 1aad dhameystay oo shahaadooyin qalin-jabin ah la siiyay iyo ardayd dhameysatay Fasalka ugu Sarreeya iskuulka SIREC oo ah fasalka 7-aad, kuwaasoo u gudbaya Sanadka cusub fasalka sideedaad oo ay aadayaan iskuulo kale, waxaa sidoo kale la abaal mariyay lana gudoonsiiyay shaahaadooyin qalinjabin ah 13 arday oo iskugu jiray wiilal iyo gabdho oo quraanka ka dhameeystay madarasada Cumar Faaruuq.

Prof. Cigaal oo wax ka dhiga Jaamacadda Vaal ee Waddanka Koonfur Afrika oo ka hadlay Munaasabada, ayaa ugu horreyn uga Mahad-celiyay Maamulka iyo Macallimiinta Iskuulka SIREC iyo Madarasada Cumar Faaruuq oo ku dadaalay inay soo saaraan jiil waxbaranaya oo Hammigoodu sareeyo, Wuxuuna sheegay inuu ku Faraxsan yahay inuu ka Qayb-galo Munaasabad ay aradaydu kusoo bandhigayeen Anaashiid, khudbado, barnaamijyo kale oo Waxbarashada ka hadlaya iyo barbaarinta Qoyska.

Sidoo kale, Sh. Maxamed C/raxmaan Abuukar oo ah maamulaha dugsiga Hoose/Dhexe ee SIREC iyo Dugsiga Xifdinta Qur’aanka ee Cumar Faaruuq oo Gaba-gabadii Xafladdaan Warbaahinta la hadlayay, ayaa sheegay in Ardaydaan isugu jiraan Soomaali iyo Ajaaniib kale ayna Macliiminta ku dadalaan sidii ay ula jaanqaadi lahaayeen tacliinta waddankan iyo dhaqanka suuban ee Diinta Islaamka, Wuxuuna intaa ku daray inay Ardaydaan isugu jiraan arday agoon ah oo Koonfur Afrika udhashay iyo agoon Soomaali iyo Ajnabi ah.

Ugu dambeyn, Munaasabada oo ay soo Abaabushay xarunta SIREC oo ay hoos-yimaadaan Madarasada Xifdinta Qur’aanka Kariimka ee Cumar Faaruuq iyo Iskuulka Hoose/Dhexe ee SIREC, ayaa lagu soo bandhigay ruwaayado ka Tarjumaya dhibaatooyinka uu Qabiilku leeyahay iyo Aqlaaq-xumada ay ku dhaqmaan qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ee Qurbo-joogta ah.

Mahad Maxamed Sheikh (Istiila)
E-mail:
[email protected]
Johannesburg, Koonfur Afrika