4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 7 , 2016
Madaxweyne Xassan Sheekh oo bogaadiyay doorashada xildhibaannada gobollada W/qooyi

Arbaco, December, 07, 2016 (HOL) - Madaxweynaha DF Soomaaliya Xassan Sheekh Max'uud ayaa bogaadiyay doorashada xildhibaannada ka soo jeeda gobollada W/qooyi [Soomaaliland] oo maalintii shalay ka bilaabatay magaalada Muqdisho.

“ Doorashooyinka Golaha Shacabka ee ka billowday ee Muqdisho, waxay sii adkeneysaa sida dhammaan ummadda Soomaaliyeed uga go’an tahay inay ka gudbaan marxaladaan Tariikhiga ah ee ay ku dhismeeyso Soomaaliyada cusub, oo si wada-jir ah ugu diyaarsan horu-socod iyo u bislaashiyaha dowladnimada iyo raadinta midnimada Qarannimada Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha Soomaaliya , wuxuu u mahadcelinayaa Guddiga Doorashooyinka ee heer Federaal iyo heer Dowlad Gobolleed oo in muddo ah waday qorshaha Hannaanka Doorashooyinka 2016 oo ku guuleystay in doorashooyinka Golaha Shacabka in ay qabsoomaan in ka badan intooda badan.

Madaxweynaha, ayaa ugu baaqay Madaxda Dhaqanka Beelaha Gobollada Woqooyi , Guddiyada Doorahsooyinka Dadban ee Heer Federaal iyo Kan Gobollada Woqooyi inay xaqiijiyaan doorka kootada haweenka ee lagu heshiiyey oo ah Sodon Boqolkiiba (30%).

Madaxweynaha ayaa ka digaya fara-gelin lagu sameeyo guddiyada badaxa banaan ee Doorashooyinka Dadban, wuxuuna ku baaqayaa inla ilaaliyo habraaca doorashooyinka ee horrey loogu heshiiyey lagana fogaado wax walba oo wax u dhimayo habsami u socodka doorashooyinka.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha ayaa ku ammaanaya Shacabka, ciidamada ammaanka Qaranka Soomaaliyeed, kuwa AMISOM, Dowlad Gobolleedyada iyo beesha caalamka dulqaadkooda iyo ka qeyb qaadashadooda ku aadan in la soo gaaro maanta, in heer gaba-gaba ah ay marayaan Doorashooyinka Dadban ee ka dhacay 6 magaalo oo dalka Soomaaliya ka mid ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne. Soomaaliya