4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 7 , 2016
Ilaa 60 qof ayaa la la'yahay kadib markii markab siday uu dagay

Arbaco, Diseembar 07, 2016 (HOL)-Ilaa 60 qof ayaan raq iyo ruux midna lagu heyn kadib markii markab siday uu dagay meel  u dhexeysa Yemen iyo Soomaaliya kuna dhow jasiirada Socotra.

Wasaarada kalluumeysiga ee Yemen ayaa maanta sheegtay warkaa ayadoo sidoo kalena warbaahin dhowr ah oo ay kujirto warbaahinta dawlada Yemen ay tebisay warkaa. Dadkii markabkaasi saarnaa oo ka badnaa 60 ayaa un labo laga soo badbaadshay.

 Markabka ayaa la waayay shan maalmood ka hor asagoo kasoo baxay dekeda magaalada Mukalla kuna soo jeeday  Socotra  asagoo siday rakaab ay kujireen haween iyo carruur.

Wakaalada wararka ee dawlada Yemen ee SABA ayaa sheegtay in labo markab oo laga kala leeyahay Austria iyo Australia ay badbaadiyeen labo qof oo dadkii markabka dagay saarnaa ka tirsanaa.

Barasaabka gobolka Hadramawt oo fadhigiisu yahay Mukalla Ahmed bin Breik ayaa baaq u diray xulufada Sacuudiga ee Yemen ka dagaalama inay ka qeybqaataan gurmadka lagu baadi goobayo dadkii kale ee saarnaa markabka quusay raq iyo ruux.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]