4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 7 , 2016
Suxufiyiin Soomaali ah oo qoxootinimo u jooga xero ku taala duleedka Magaalada Lesbos, Giriiga


Arbaco, December 07, 2016 (HOL) — Saddex Suxufi oo Somali ah oo Cabsi uga Cararay Magaalada Muqdisho ayaa Qoxootnimo ugu sugan dulleedka Magaalada Lesbos ee dalka Giriigga, iyagoo doonaya inay u sii tallaabaan waddammo ka tirsan Qaaradda Yurub.

Kamaal Xasan, Yaasiin Abuukar iyo Kawthar C/raxmaan ayaa sheegay inay Muqdisho uga carareen hanjabaado ay kala kulmeen Al-shabaab, iyagoo ku daray hadalkooda in sababta ay u soo carareen ay tahay markii kooxo Al-shabaab ka mid ah ay Muqdisho ku Toogteen Wariye Xasan Absuge oo ay wada shaqeyn jireen.

Sidoo kale, Kawthar Cabdiraxmaan oo ah Suxufiyad 21-jir ah - ayaa Sheegtay in ay ka soo carartay caga-juleyn, iyadoo sheegtay in intii la toogan lahaa ay kasoo cararto wadankeeda ayna dooratay inay nolol cusub ka abuurto Yurub. Iydoo sheegtay in weli ay suxufinimo ku shaqeyso oo ay warbixinnadeeda ku daabacdo shabakad ay iyadu leedahay oo lagu magacaabo Kawthar Media.

Wariyeyaashaan oo isugu Jira rag iyo Haween ayaa waxay ka Shaqeynayeen, Kalsan TV, Horn Cable TV iyo Radio Manta. Waxaana xerada ay ku nool yihiin oo lagu Magacaabo Moria kula sugan Qoxooti ka kala tagay Dalalka; Suudaan, Eritrea, Ghana, Congo, Sierra Leone, Cameroon, Morocco, Egypt, Algeria, Gambia, Mali iyo Uganda.

“Inkastoo aan kasoo tagay shaqadeydii, haddana waxaan walaac weyn ka qabaa bad-qabka qoyskaygii oo aan kasoo cararay oo weli ku nool Xamar,” ayay tiri Kawthar C/raxmaan oo la hadlaysay idaacadda PRI.

Dhanka kale, Suxufiyiintaan ayaa xusay inay ka Qarracmeen Toogashadii saaxiibkood ay wada-shaqeyn jireen ee Xasan Yuusuf Absuge oo ay bishii September ee Sannadkii 2012-kii toogteen kooxo ka tirsan Al-shabaab, xilli uu shaqada ka baxay oo ku socday gurigiisa.

Yaasiin Abuukar oo isagna Hadlay, ayaa sheegay in Bil kaddib makii Toogasho lagu dilay saaxiibkiis Absuge, ay kooxo hubeysan bambaanno kusoo tuureen gurigooda xilli habeen, taasoo uu sheegay inay ahayd tii ku qasabtay inuu ka soo cararo Soomaaliya.

Ugu Dambeyn, Somalia ayaa lagu tilmaamaa dalalka Adduunka ugu halista badan ee ay ka hawl-galaan suxufiyiin, iyadoo Sidaan oo kale ay cabsi awgeed uga carareen tiro ka mid ah suxufiyiinta Soomaaliyeed oo qaarkood hadda ku ool caalamka daafihiisa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya