4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 7 , 2016
Shimbir kasoo Ambabaxay Waaqooyiga Shiinaha oo soo Gaartay Xeebaha Muqdisho ee Somalia


Arbaco, December 07, 2016 (HOL) — Shimbirka Meng, ayaa Socdaal dhib badan kaddib si nabad kusoo gaaray Soomaaliya, isagoo hadda ku sugan xeebaha Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Shibirkan Meng lagu magacaabo, ayaa lagu xiray Qalabka muujineysa halka uu marayo, ka hor intii uusan ka soo duulin Waqooyiga Waddanka Shiinaha.

Milkiilaha Shimbirkaan oo u dhashay Ingiriiska ayaa ku nool Magaalada Beijing, Waxaana shimbirkan iyo shimbri kale oo la socday lasoo diray Soomaaliya, Kenya iyo Tanzania.

Shimbirahan waxaa  lasoo diray Bishii September ee Sannadkaan, waxayna ku qaadatay Meng inuu yimaado Soomaaliya masaafo gaaraysa 3,400-km oo aan hakad lahayn illaa markii uu safarkiisa soo billaabay.

Dhanka kale, Shimbirkan Meng ayaa Talaadadii shalay soo gaaraay Xeebaha Muqdisho, wuxuuna weli ku suganyahay Xeebta, iyadoo Ninka Shimbirkaan iyo labada kale u soo diray Afrika uu ku sheegay inay ujeeddadiisu ahayd in uu horumarinyo deegaanka iyo noolaha kale.

Shimbirka ayaa intuu kusoo jiray Safarkiisa wuxuu la kulmay dabeyl aad u xoog badan, inkastoo uu ugu dambeyntii uu kasoo gudbay uuna Magaalada Muqdisho yimid.

Meng oo Macnaheedu yahay shimbirka Riyada ayaa wuxuu ka mid ahaa xayn shimbiro ah oo uu leeyahay, Terry Townshend oo ah Shimbire-dhaqaaleeye u dhashay Britain, wuxuuna u dhaq-dhaqaaqa bad-baadada deegaanka.

Labada Shimbir ee kale ayaa lagu kala magacaabaa; Flappy iyo Skybomb, waxaana Flappy uu joogaa dalka Kenya muddo bil ah isagoo kasoo hormaray Meng, wuxuuna 15 jeer galay Sohdinta Somalia ka hor intuusan Meng imaan Soomaaliya.

Balse, Nasiib-darro mar ayaa Flappy laga waayay qalabka xogta keydinayay, inkastoo dib loo helay markii dambe, kaddib markuu dib ugu laabtay meeshii loogu talo-galay oo ahayd dalka Kenya.

Ugu dambeyn, Imaanshaha Men gee Somalia ayaa aad uu u soo dhameeyay Milkiilaha iyo Ardeyda saaxiibbadii ah, iyadoo Warbaahinta Bulshada aad ugu hadal-haya booqashada Meng ee Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya