4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 7 , 2016
Shirkii madasha-wadda-tashiga oo la filayo in uu maanta ka furmo Muqdisho

Arbaco, December, 07, 2016 (HOL) - Maanta ayaa lagu waddaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shirkii madash-wadda-tashiga Qaran ee hogaamiyayaasha Soomaalida, kaa looga wadda hadli doono geedi socodka arrimaha doorashooyinka dalka.

Qodobada kulanka looga hadli doono ayaa siddoo kale waxaa qeyb ka noqonaya tabashada dowlad gobolleedka Puntland ee la xiriirta sidda loo maareeyay xildhibaannada gobollada W/qooyi, taasoo keentay in hakad la galiyo doorashada xubnaha aqalka hoose ee ka soctay Garoowe.

Madaxda ka qeyb galeysa shirka ayaa waxaa ka mid ah madaxweynayaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh, Madaxda maamul goboleedyada Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Muqdisho.

Waxaa siddoo kale Muqdisho jooga madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland C/xakiin Xaaji Camey, halka madaxweynaha Jubbaland la fillayo in isla maanta uu soo gaaro magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa goob joog ka noqonaya Wakiilada Beesha Caalamka oo walaac ka qaba in doorashada ay mar kale dib u dhacdo, iyadoo saddex jeer oo hore dib u dhacyo ku yimaadeen.

Ugu danbeyntii, maamulada Jubbaland iyo Koofur Galbeed ayaa illaa iyo hada soo dhameystiray doorashada xubnaha Aqalka Hoose, halka Maamulada Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle ay u harsan yihiin dhowr xubnood.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya