4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 7 , 2016
Arimihii ugu waaweynaa ee dhawaan Soomaaliya ka dhacay

 Arbaco, Diseembar 07, 2016 (HOL)-Dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee dhawaan dalka ka dhacay ayaa waxaa kujira gaar ahaan labadii asbuuc ee lasoo dhaafay doorashada madaxweynaha oo mar kale dib u dhacday.

Waxaa hareeyay doorashada Soomaaliya musuq baahsan iyo carqalad sida meelo badan oo doorashadu ka dhaceysay laga soo tebiyay, waa doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka.

Dhowr qof ayaa siyaabo kala duwan loogu dilay meelo kala duwan dadka dhintay oo doorashada ku lug lahaa.

Hal qof Cadaado ayaa lagu dilay hal qof oo kalena Jubaland sida maamulka Jubaland iyo madaxweynihiisa Axmed Madoobe laga soo xigtay.

Somaliland oo isku shaandeyn lagu sameeyay dawlada. Waxaa isku shaandeynta lagu doonayay in lagu xoojiyo meeqaamka doorasho ee xisbiga talada haya ee dawlada Hargeysa.

Suuqa Beerta ee Muqdisho ayaa isna mudadaa waxaa ka dhacay qarax weyn oo ugu yaraan 20 qof oo rayid ahaa ay ku dhinteen.

Bari, ninka fallaagada hoggaamin jiray ee loo yaqaan Galan ayaa ku biiray dawlada Puntland taasoo qeyb ka ah dadaal xididada loogu siibayo Daacishta Soomaaliya ee Qandala dhawaan qabsatay balse laga saaray.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]