4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 6 , 2016
Madaxweeyne Xasan Sheekh oo Kismaayo tababar ugu soo xiray in ka badan 1000 askari [Sawirro]


Talaado, December 06, 2016 (HOL) — Madaxweeyne Xasan Sheekh Max’uud ayaa tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan cidamada xoogga dalka Soomaaliya qeybtooda Jubaland oo bilooyinkii u danbeeyay uu tababar ciidan uga socday xaruntii hore ee Jaamacadda Kismaayo ee duleedka waqooyi ee magaalada Kismaayo.

Ciidamada tababarka loo soo xiray oo ay tiradoodu gaareeyso ilaa 1264 askari ayaa qaatay tababarro kala duwan oo dhanka ciidanka ah, ayadoo ay tababarka siinayeen macallimiin isugu jiray Soomaali iyo kuwa ka socday ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay Gen. Ismaaciil Saxardiid, taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya qeybtooda Jubaland, isagoo sheegay in ciidamadani ay barteen casharro kala duwan oo la xiriira waajibaadka askariga, wuxuu intaa ku daray in ay u diyaarsanyihiin in ay ka qeybqaataan fulinta waajibaadka horyaal dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Madaxweeyne Xasan Sheekh Max’uud oo goobta ka hadlay ayaa ugu hambalyeeyay ciidanka sida ay ugu dhabar adeeygeen tababarradii adkaa ee ay soo qaateen, isagoo sheegay in askari waliba oo kamid ah ciidanka ay masuuliyad ka saarantahay difaaca dalkiisa iyo ka hortagga wax walba oo qal-qal ku keeni kara amniga shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay xoogga saari doonto sidii ciidamadu ay ku heli lahaayeen xuquuqdooda, isagoo ku booriyay ciidamada tababarka loo soo xiray in ay u hogaansamaan awaamiirta taliyeyaashooda, islamarkaana dalkooda ka difaacaan cadawga.

Dhinaca kale, Madaxweeyne Xasan Sheekh ayaa tababar u furay in ka badan 1,000 askari oo ka tirsan ciidamada Daraawiishta Jubaland, kuwaa oo ku tababaran doona xero ciidan oo ku taal duleedka Jaamacadda Kismaayo.

Madaxweeynaha ayaa ciidamada cusub kula dardaarmay in ay u dulqaataan tababarka, ayna xaqiijiyaan hadafka ay shaqadan u qorteen ee ah in ay dalkooda samata bixiyaan.

Madaxweeynaha Waqtigiisa dhamaaday ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’uud ayaa shalay soo gaaray Kismaayo, isagoo intii uu ku sugnaa magaalada kulamo kala duwan la qaatay xildhibaanada labada aqal ee baarlamanka dalka qeybta Jubaland.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.