4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 6 , 2016
Boqolaal dhallinyaro ah oo laga hawlgalin doono Gaarisa si ay nadaafada uga shaqeeyaan

Talaado, Diseembar 06, 2016 (HOL)-Boqolaal dhallinyaro ah ayaa laga hawlgalin doonaa Gaarisa si ay nadaafada uga shaqeeyaan magaaladaa oo ah xarunta gobolka Waqooyi-bari Kenya.

In ka badan 9 boqol oo dhallinyaro ah ayaa nadaafada inay ka shaqeeyaan loo diiwaan galinayaa iminka kuwaasoo sidoo kalena ka shaqeyn doona barnaamijka xoojinta dhallinyarada ee NYS. Shalay ayaa mashruuc amuurtaa kusaabsan waxaa daah furay madaxweyne ku-xigeenka Kenya  William Ruto.

30 malyan oo shilinka Kenya ah ayuu sheegay in arinkaa loo meel dhigi doono 3da bilood ee soo socda.

Ruto ayaa dadka deegaanka ah u ballan qaaday in qarashkaa lasiin doono dhallinyarada aana la musuqmaasuqi doonin.

“Waxaanu meel dhignay nidaam adag oo shilin walba u xisaabsan yahay .”  Sidaa ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka Kenya  William Ruto.

Wasiirada Dhallinyarada dawlada qaran ee Kenya Sicily Kariuki ayaa iyana xaadir ku ahayd Gaarisa shalay ayada iyo madaxweyne ku-xigeenka Kenya  William Ruto waxayna sheegtay in barnaamijkaasi uu ku dhiirigalin doono dhallinyarada inay wax meel dhigtaan.

Boqolkiiba soddon wixii barnaamijkaa ay ka helaan kadib markii ay shaqeeyaan ayaa loo keydin doonaa si hadhoow dambe mustaqbalka lacagtaasi ay u anfacdo ayaga.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]