4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 6 , 2016
Shirka madasha wadatashiga qaran oo beri la filayo inuu dhaco

Talaado, Diseembar 06, 2016 (HOL)-Waxaa beri maalinta Arbacada ah la filayaa in la qabto markale shirka wadatashiga qaran.

Shirka wadatashiga qaran ayaa waxaa la filayaa in aad diirada loogu saaro doorashooyinka Soomaaliya wali kasocda ee aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xalay fiidkii ayaa la sheegay in baydhabo lagu doortay labadii xildhibaan ee ugu dambeeyay ee Koofur-galbeed ku matalaya aqalka hoose.

Shalay ayaa asna dhanka Jubaland madaxweynaha Jubaland Ahmed Madoobe uu u sheegay madaxweyne Xassan Sheekh oo booqasho ku joogay Kismaayo in xubnihii aqalka hoose ee Jubaland matali lahaa dhawaan Xamar loo soo diri doono.

Dhanka kale ergeyga QM u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa sheegay in loo baahan yahay in doorashada madaxweynaha aysan ka dib dhicin inta ka dhiman sanadkaan 2016. Wuxuu ugu baaqay beesha caalamka inay indhaha ku heyso doorashada Soomaaliya.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]