4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 6 , 2016
Micheal Keating oo ka digay in sanadka cusub ee 2017 gaarto doorashada madaxweynaha


Talaado, December, 06, 2016 (HOL) - Wakiilka xog-hayaha guud ee QM Micheal Keating ayaa war  ka soo saaray doorashada guddoomiyaha baarlamaanka iyo tan madaxweynaha ee Soomaaliya, isaga oo ka digay in doorashada mar kale dib u dhacdo.

Danjire Keating, ayaa soo jeediyay digniin ah in sanadka cusub aysan gaarin doorashada madaxweynaha iyo gudoonka baarlamaanka Soomaaliya, maadaama marar badan dib u dhac uu ku yimid doorashada sanadkaan.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa shaaciyay inay haboon tahay doorashada inay dhacdo ka hor sanadka cusub ee  2017.

Micheal Keating ayaa ku baaqay in si dhaqso ah loo xaliyo  tabashada maamulka Puntland uu ka qabo doorashada xildhibaanada aqalka sare ee gobolada waqooyi taasi oo uu ku tilmaamay inay dib u dhac kale keeni karto.

Dhinaca kale wuxuu si dadban u sheegay in beesha caalamka aysan ka niyad jabi doonin doorashada haddii ay gaarto sanadka cusub ee 2017.

Ugu dambeyn, wakiilka xog-hayaha guud ee QM ayaa ugu baaqay madaxda maamul goboleedyada inay saxiixaan xildhibaanada lasoo dhameystiray si ay doorashada madaxweynaha iyo gudoonka baarlamaanka ugu gudbaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya