4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 5 , 2016
SAWIRRO: Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Geneva oo yeeshay Kulan ballaaran oo Xog-is-dhaafsi ah

Isniin, December 05, 2016 (HOL) — Xaflad ay soo Agaasimeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Switzerland ee loosoo gaabiyo CSG, ayaa Sabtidii lagu qabtay Magaalada Geneva ee Switzerland, Taas oo ay ka qayb-gashay danjiraha Soomaaliya ee Switzerland, Faadumo C/llaahi Maxamuud [Inzaaniya].

Kulankan ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Guddoomiyaha Jaaliyadda Sheekh Cabdi ayaa wuxuu ka Warbixiyay dhismihii iyo Taariikhdii ay kasoo mareen Abuuritaankii Jaaliyadda Soomaliyeed ee Geneva, Caqabadihii ka Hor-yimid iyo sidii looga soo Gudbay iyo Weliba dhibaatooyinkii lasoo darsay CSG.

Sidoo kale, Waxaa hadal ka jeediyay xaflada xogahaya Jaaliyada Soomaliyeed ee Geneva, Dhiirane oo isna ka warbixiyay Waxyaabihii u qabsoomay tan iyo intii ay jirtay Jaaliyaddu iyo Waxyaalaha u Qorsheysan in ay fuliso Sannadka soo scoda haddii Alle idmo.

Danjiraha Soomaaliya ee Switzerland, Faadumo C/llaahi Inzaaniya oo iyaduna Kulanka ka jeedisay khudbad isuug jirtay; Talo-siin, Guubaabo iyo Dhiiri-gelin, taasoo  ay ku sheegtay in looga baahan yahay Jaaliyadda inay dadaallada ay wadaan sii xoojiyaan, si ay u gaaraan heerka ay maanta taagan yihiin meel aad uga wanaagsan.

Intii Xafladdu at socotay ayaa waxaa lagu soo bandhigay Heeso iyo Madadaalo kala duwan oo ay soo bandhigayeen Kooxda Dhallinyarada dhaqanka, fanka iyo hiddaha ee Magaalada Geneva.

Ugu dambeyntii, Waxaa Xafladdaan soo Gunaanaday Guddoomiye ku xigeenka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Geneva CSG, isagoo si Guud u Sharraxay Hawlaha Hor-yaalla Jaaliyadda iyo sida looga doonayo inay uga soo dhalaanaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya