4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 5 , 2016
SAWIRRO: Jaaliyadda Koonfur Afrika oo Kulan soo dhaweyn ah u Sameeyay Shariif Sh. Axmed

Isniin, December 05, 2016 (HOL) — Kulanka oo ahaa Casho-sharaf ayna soo agaasimeen  Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika ku dhaqan, ayaa waxaa lagu so dhaweenayay Madaxweynihii hore ee Somalia, Shariif Sheekh Axmed oo Maalmahaan Safar ku joogay Magaalada Johannesburg, Waxaana kulanka goobjoog ka ahaa Jaaliyadda oo isugu jiray Odayaal, Ganacsato, Aqoonyahano, haween iyo dhalinyaro.

Qaar ka mid ah odayaashii iyo waxgaradkii ka hadlay kulankan lagu soo soo dhaweynahay Musharraxa Madaxtinimada Somalia ahna madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheikh Axmed, ayaa waxay sheegeen inay Somalia u baahan tahay isbdedel iyo hoggaan xogogaal ah, waxayna intaa ku dareen in madaxweyne Shariif uu ahaa Xilligiisii nin Dadku u siman yihiin uuna mudan yahay in mar kale la doorto, si uu u sii wado Dadaalkiisii Wanaagsanaa ee uu ku hagaajiyay ammaanka dalka.

Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheekh Axmed oo kulankaan ka jeediyay khudbad kooban, ayaa sheegay in Soomaaliya u baahan tahay in Xasilinteeda lagu gaaro Aqoon iyo xogogaalnimo, waxa uuna sheegay haddii uu mar kale hogaaminta dalka ku guuleysto inuu wax ka qaban doono ugu horeyn xagga ammaanka iyo dib uheshiisiinta.

Ugu danbeyn, Qaar ka mid ah shacabkii kasoo qeybgalay kulanka ayaa fursad u helay inay Su'aalo Weydiiyaan Musharraxa Madaxweynennimo ee Soomaaliya, ahna Madaxweynihii hore ee Somalia Sheikh Shariif Sheikh Axmed, wuxuuna jawaabihiisa ku sheegay inuu la imaanayo Qorshe dowladeed oo dhameystiran haddii ALLE yiraahdo.

Mahad Maxamed Sheikh (Istiila)
E-mail:
[email protected]
Johannesburg, Koonfur Afrika